Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Jsl Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland Mr. Stuart Brown, kulanka ayaa ugu horayn ku bilaabmay is-xog-waraysi ku saabsan xidhiidhka soo jireenka ah ee JSL iyo dawladda Ingiriiska ay waddaagaan iyo sidii loo sii wadi lahaa xidhiidhkaasi saaxiibtinimo.

Addis -baba(RH):-Dowlada Itoobiya Ayaa si rasmi ah U Daah-furtey qaybinta lacag cusub oo ay dhawaan Soo Daabacday .

Dowlada Itoobiya Isniintii la soo dhaafay soo bandhigtay Noocyo Cusub oo lacag ah oo laga isticmaalidoono Dalkaasi Itoobiya,Lacagtan Cusub ayaa ah mid Badali doonta Guud ahaan lacagtii hore Dalkaasi looga isticmaali jirey ee loo yaqaanay Birta.

Hargeysa (RH):-Xildhibaanada Golaha Guurtidda Somaliland, oo uu shir-guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golahaasi mudane, Siciid Jaamac Cali, ayaa lagu ansixiyay xeerka la dagaalanka maandooriyaha, kaas oo lagu dhaqi doono bulshada Somaliland, fadhigaasi oo ay badi mudanayaasha golahaasi goob joog ka ahaayeen.

 

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa Cadeeyey in  laga helay Xannuunka Koofidh-19.

 

Hargeysa(RH):-Hanti-dhawraha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Arimo Musuq-maasuq u Xidhay Xubno iskugu jira Masuuliyiin  Dowladeed iyo Dad shacab ah .

Hanti-dhawraha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Yuusuf Dirir Ayaa Warbaahinta U Cadeeyey in ay xabsiga u taxabeen saraakiil lagu eedeyay falal la xidhiidha musuq-maasuq  iyo Dad kale oo Shacab ah.

Hargeysa(RH):-Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland ayaa shaacisay wakhtiga la qabanaayo tartanka Ciyaaraha gobolladda ee dalka.

Wasiirka wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha ee Somaliland Boos Mire Maxamed oo ay weheliyaan masuuliyiinta kale ee wasaaraddaasi ayaa sheegay in Ciyaaraha gobolladu ay ka kooban yihiin Kubada cagta, Kolayga iyo Ciyaaraha fudud, kuwaas oo ka qabsoomi doona caasimadda Hargeysa.

Berbera(RH):-Xafiiska Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland oo maalmihii ugu dambeeyey hawlo baadhis ah ka waday qaar kamid ah Xafiisyadda Hay’addaha laamaha dawladda Somaliland ee magaaladda Berbera ayaa xabsiga u taxaabay laba xubnood oo ka tirsan maamulka wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland.