Dowladda soomaaliya ayaa sheegtay Xogta Afar Shirkadood Oo Alshabaab U Gudbisa Badeecadaha Dekedda Laga Soo Dajiyo.

Muqdisho (RH)-Dowladda Soomaaliya ayaa heshay xogta afar shirkadood oo kooxda Al-Shabaab u gudbisa macluumaadka shixnadaha saaran maraakiibta ku soo xirata dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa sheegay iney soo gudbinayaan magacyada shirkadahan oo uu sheegay iney Shabaab siiyaan xogta alaabaha dekeda laga soo dajiyo, si ay canshuur xad dhaaf ah uga qaataan ganacsatada badeecadahaasi iskaleh.

Arrinta la yaabla leh ayaa ah in Shabaab xogta ay helaan kahor inta aanu markabka dekeda kusoo xiran, iyadoo xogta loo dusiyo inta aan shixnadaha laga soo dhoofin dekedaha Shiinaha.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxay ka cabanayaan, ninka ganacsadaha ah inta uusan helin Konteenarka kasoo baxa China macluumaadkiisa, ayay kooxaha Shabaab helaan, waxaana la wadaaga arrinkaas oo aan haynaa saddex illaa afar shirkadood,” ayuu yiri wasiirka ganacsiga Soomaaliya.

Si kastaba, Wasiirka ganacsiga ayaa wuxuu ugu baaqay wasiirka dekedaha dowladda Soomaaliya inuu shatiga kala laabto dhammaan shirkadahan. Isagoo sheegay inuu la wadaagidoono magacyadooda iyo xogtooda, si dowladda talaabo looga qaado.

Xigasho: Caasimadda

Category