Sawirro: Gaalkacyo oo sannadkii labaad martigalineysa bandhigga bugaagta

Gaalkacyo (RH)-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maalintii labaad ka socda bandhigga bugaagta, waana sannadkii labaad oo bandhiggan la qabto.

Bandhigga waxaa ka soo qeybgalay wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, qorayaal, abwaanno, dad ku xeel dheer afka iyo suugaanta iyo dhallinyaro kale oo ka kala timid magaalooyinka Soomaalida sida Muqdisho, Garowe, Hargeysa iyo kuwa ka yimid magaalada Nairobi.

Sidoo kale, bandhigga oo shaley si rasmi ah u furmay ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuul ka tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug  iyo dhallinyarada magaalada.

Waxaa shaley iyo maanta la qabtey dooddo looga hadlayo is dhexgalka dhallinyarada iyo doorka nabadda uu ka qaadanayo bandhigyada noocan oo kale.

Sidoo kale, goobta bandhigga waxaa lagu soo bandhigay buugaag fara badan oo ku qoran afka Soomaaliga iyo afaf kale oo qaar badan ka hadlaya dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida iyo nabadda.

Qaban qaabiyayaasha bandhiggan ayaa sheegay in ay qaban doonaan sannad kasta bandhiggan si uu uga qeyb qaato is dhexgalka dhallinyarada iyo nabadda.

Gaalkacyo oo sannadkii labaad martigalineysa bandhigga bugaagta Sawirro: Gaalkacyo oo sannadkii labaad martigalineysa bandhigga bugaagta Sawirro: Gaalkacyo oo sannadkii labaad martigalineysa bandhigga bugaagta Gaalkacyo oo sannadkii labaad martigalineysa bandhigga bugaagta

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category