XASAN SHEEKH IYO ABIY AHMED OO KU KULMIDOONA NAIROBI

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la yeesho ra’iisul wasaaraha waddanka Itoobiya Abiya Axmed.

Labada mas’uul ayaa is kala qayb-galaya xaafaladda caleema saarka madaxweyne William Ruto, ayaga oo kadib yeelan doono kulan duceed ay uga hadlayaan arrimo xasaasi ah.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dibloomaasiyiiin ka socda labada dal ay maalmihii u dambeeyey Nairobi ka wadeen diyaarinta kulanka u dhexeeyo Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo ku soo aadayo, xilli ay haatan taagan tahay xiisad u dhexeyso labada dhinac.

 labada madaxweyne ayaa ka wa arrinsan doona, sidii xal loogu helilahaa mad-madowga hadda u dhexeeya & sare u qaadida xiriirka labada dal oo isbedal hoose uu ku yimid, kadin doorashadii 15-kii May ee looga adkaayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay xulafo ay ahaayeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Category