Furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho waxaa maanta rasmi ah uga furmayo shir deg deg ah oo u dhexeeyo xubnaha Golaha Wada-tashiga Qaran oo ka kooban madaxda dowlada dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa uu qaadan doonaa muddo labo cisho ah, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka arrimmaha gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Inta badan madaxda maamul goboleedyada ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana kaliya ka maqan madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo laga yaabo inuu shirka uga qayb-galo aaladda Zoom-ka, maadaama uu waqtigu yar-yahay.

Waxaa inta uu socdo shirkan sidoo kale diiradda lagu saarayaa xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo baaraha daran ee haatan ka jira dalka.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu gorfeyn doono sidii xal waara loogagaaro lahaa ismari-waaga ka taagan arrimaha maaliyadda, oo ay haatan isku khilaafsan yihiin labada dhinac.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen oo ugu dambeyn lagu qanciyey inuu soo gaaro Muqdisho ayaa rajo weyn ka muujiyey wada-hadallada labada dhinac.

“Waxaan rajeynayaa in shirkan nabad noogu furmo, nabadna noogu dhammaado, dadka iyo dadka Soomaaliyeed daruufaha iyo marxaladaha adag ay ku jiraan oo ay ugu horreeyaan abaaraha iyo culeyska argagixisada looga hadlo,” ayuu yiri Lafta Gareen.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse doodaha miiska saaran ayaa ah kuwa adag, ayada oo maamullada qaarna ay saluugsan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

 

Category