Filimkii ugu horreeyay ee Af-Soomaali ah oo u tartamaya abaalmarinta Oscars

Talaadadii la soo dhaafay, filimka lagu magacaabo "Xaaska xabaal qodaha" ee uu sameeyay Khadar Axmed, ayaa loo xushay in uu noqdo filmkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ku matala tartanka abaalmarinta Oscars.

Filimkan oo ay jilaayaasha ku jira wada yihiin Soomaali ayaa la sameeyay sannadkan, waxaana lagu baahiyay qaar ka mid ah dalalka Caalamka.

Filimka oo uu soo saaray Khadar Cayduruus Axmed, waxaa la sheegay in uu ku saabsan yahay qiso dhab ah oo 10 sano ka hor ku dhacday qoyskiisa. Qaar ka mid ah soo saarayaasha filimka ayaa ahaa ajaaniic.

Filimkan waxaa London laga daari doonaa bishan October, xilliga uu qabsoomayo Bandhigga Filimada ee London. Sidoo kale, waxaa laga daari doonaa bandhigga Filimada ee Chicago.

Ka dib ayaa loo dhaadhicin doonaa dalka Burkina Faso, oo laga daawan doono xilliga Bandhigga Filimada Afrika ee Ouagadougou.

Bisha November ayaa filimkan la gaarsiindoonaa dalalka Finland iyo Norway. Dalka Faransiiska wuxuu gaari doonaa bilowga sannadka soo socda ee 2022.

Muxuu yahay Filimkan?
Waxaa markii ugu horreysay lagu soo bandhigay dalka Canada., waxaana jilay dhalinyaro Soomaali ah. Goobtii ugu horreysay ee lagu soo bandhigay waxaa filimka lagu gudoonsiiyay abaalmarin.

Filimkan oo loogu magac daray 'xaaska xabaal qodaha' ayaa lagu jilay luqadda Soomaaliga isla markaana looga hadlayo qoys Soomaaliyeed oo danyar ah iyo marxaladaha kala duwan ay nolosha kusoo mareen iyadoo uu jeceyl dhexyaallo.

"Filimka waa xaaska xabaal qodaha,waa qiso uu qoray nin aan walaalo nahay oo Khadar Ceydaruus Axmed la yiraahdo, waa qiso Soomaaliyeed oo Soomaali lagu hadlayo waa filin qof kasta uu daawan karo waana sababta keeneysa in adduun weynaha uu wareego," ayuu yiri, Cumar Cabdi oo kamid ah jilaayaasha filinka.

Mid ka mid ah jilaayada filimka "Xaaska Xabaal Qodaha"

Wuxuu ka shekeynayaa qoys Soomaaliyeed oo sabool ah oo ay la soo deristay dhibaato dhanka nolosha ah oo u adkeystay sidii uu uga gudbi lahaa caqabaddaas inkasta oo aysan heysan dhaqaale ay ku maareeyaan arrintaas.

Waa filim taabanayo jaceylka xiddideystay ee ka dhex jira qoyska saboolka ah iyo sida uga go'antahay badbaadinta hooyada la daalaa dhaceysay xaaladda caafimaad darro.

"Waa qisada hooyo, aabe iyo canug yar oo ay dhaleen, qisada ay xambaarsan tahay waxay ina tusineysaa jaceylka in meel walbo uu dhex yaallo, nolosha farxadda ah in cid kasta ay yeelan karto laakiin lagu kala duwan yahay marka xaaladaha qaar yimaadaan. "

Filimka ayaa diiradda saaraya sheekada nin xabaal qode ah oo sabool ahaa iyo sida uu dadaal ugu galay badbaadinta xaaskiisa oo kiliyaha ka xanuunsatay, inkasta uu la daalaa dhacayay maareynta qoyskiisa haddana wuxuu raadiyay dhaqaale uu ku baadigoobayo in xaaskiisa caafimaad hesho.


Maxay ku timid qisada filimka QAB IYO IIL ee uu jilay wariye Cawke?

Khadar Axmed (bidix) Yasmin Warsame, (dhexda) iyo Cumar Cabdi oo ka qeybgalayay goobtii lagu soo bandhigay Filimka ee Toronto

Ka sokow noloshaas adag waxaa weli sii xoogeystay jeceylka dhexyaallo lamaanahan.

"Sheekada waxay na tusineysaa inta uu gaarsiisan yahay jaceylka dhex yaalla labada qof, waxay isu sameyn karaan, sida badbaadu ay ku xiran tahay , sida qofkan uu qofka kale u badbaadin karo" ayuu yiri Cumar Cabdi.

Filimkan waxaa laga soo dhex xushay kumanaan aflaam ah, wuxuuna kamid ahaa filimadii lagu abaal mariyay Canada.

"Filimkayagan laguma dooran filim Soomaali ahaan , waxaa lagu doortay tayada filimka gaar ahaan asalnimadiisa iyo qisadiisa, marka in aan kamid noqono bulshada inta ay tartanto ku guuleysata, 5000 filim laga soo dhex xula"

Cumar Cabdi wuxuu sheegay in filimka uu soo bandhigayo muuqaalka dhabta ah ee dadka Soomaalida si aanan loo soo gudbin wararka la xiriira dhibaatooyinka ka dhaca dhulka Soomaalida.

"Anagu waxaan dareensanahay Soomaalinimo in anagoo Soomaali aan heerkaa gaarno, wixii looga bartay ay caalamka kasoo daaynayeen ama mar haku tilmaamaan burcad badeed...in dadkayagu aan tusno in dhaqan, dal iyo dad wanaagsan aanu leenahay"

Xiggasho: BBC

Category