Filimkii uu fikradda ka helay ninkii gabdhaha Muqdisho telefoonnada ka qaadanayay

Cabdifitaax Cali Cumar, wuxuu maxkamadda horteeda ka qirtay inuu filim Hindi ah oo uu horay u daawaday ka soo bartay qaabka uu wax u dhici jiray.

Toban sano oo xarig ah ayaa lagu xukumay ninkan ka dib markii lagu helay dambigii loo haystay ee ahaa inuu telefoonno ka dhacay illaa lixdan gabdhood, inkastoo isagu uu 30-ka mid ah qirtay.

Ilaa lixdan gabdhood ayay booliska diiwaan galiyeen in ay dhibbaneyaal u ahaayeen Cabdifataax, balse qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in uusan dhicin tirada teleefoonnada ee lagu dacweeyay.

Dacwadda ka dhanka ah ninkan ayaa socotay ka dib markii lagu soo xiray xog ay gudbisay mid ka mid ah gabdhihii uu telefoonnada uga qaatay sida layaabka leh.

Jilayaasha filimkan hormuud u ahaa ayaa kala ah Tusshar Kapoor, Anupam Kher, Rajpal Yadav, Raima Sen iyo Mithun Chakraporty.

Saddex ka mid ah atooreyaasha oo kala ah Tusshar Kapoor, Anupam Kher (oo ay Soomalida u taqaanno Aw Baska) iyo majaajiliiste Rajpal, waxay filimkaas ku jilayeen in ay yihiin saaxiibbo lacag doon ah oo culaysyo kala duwan ay haystaan, waxayna iska kaashanayaan sidii ay qaab khiyaano ku dheehan tahay ugu dhici lahaayeen dadka iyo xitaa dowladda.

29-kii bishii August, 2008 ayaa saleemooyinka laga sii daayay, balse wuxuu noqday filim ku guul darraystay box office-ka, dhaqaalihii la filayayna ma uusan soo xaraynin.

Saddexda jilaa ee khiyaanada isku bahaystay

Cabdifataax markii uu filimkan sharaxayay wuxuu sheegay magaca saxda ah ee filimka iyo qisada, laakiin wuxuu si khaldan u sheegay jilayaasha.

"Wax qarsoon ma jiraan, waxaan rabaa in aan wax walba caddaynta runta ah ka sheego," ayuu yidhi.

"Rag badan oo shaleemo soo gali jiray ama guryahooda filimo ka fiirsaday way joogaan. Filimkaasna waa la heli karaa, saddex nin ayaa atooreyaal ka ah. Saddex nin dad hubaysan ma ahan dowladdana waxay ka qaataan baad", ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Cabdifitaax wuxuu sheegay in sannadkii 2008 uu ka tagay Muqdisho, oo uu muddo saddex sano ah joogay xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Markii dambe wuxuu jaamacad ka billaabay magaalada Garisa, ka dibna wuxuu noqday Imaam Masaajid iyo macallin dugsi quraan, sida uu maxkamadda horteeda ka sheegay.

Xigashada Sawirka, Social Media

Sannadkii 2015-kii ayuu dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka baqay in Kenya lagu xiro maadaama uu xiriir la lahaa rag ay qabteen sirdoonka dalkaas.

Markii uu Soomaaliya dib ugu noqday ayuu dugsi quraan ka sameystay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

Xeer ilaalinta Soomaaliya ee dacwada ku soo oogtay Cabdifitaax ayaa sidoo kale ku eedeysay inuu Al-Shabaab la shaqeeyay.

Isbuucyadii la soo dhaafay ayay hadal haynta ku saabsan ninkan qabsatay baraha bulshada Soomaalida ka dib markii ay booliska gacanta ku soo dhigeen isaga iyo nin lagu magacaabo Nuur oo ay la isla soo qabtay.

Tirada dumarka ee dhibbanaha u ah eedaysanaha, ee booliska ay diiwaan geliyeen, waxay gaarayaan in ka badan 60 haween ah.

Qaar ka mid ah dumarkaas ayaa ku sugnaa gudaha Maxkamadda Ciidamada oo xukunka ku riday Cabdifitaax.

Xigasho: BBC

Category