Waa imisa Soomaalida lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Johannesburg (RH)-Dowlaldda federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay rabshadahha iyo bililiqada ka socota Koonfur Afrika, halkaasoo lagu dilay in ka badan 70 qof oo ay ku jiraan afar qof oo Soomaali ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Talaadadii ayaa alagu sheegay in burcad hubeysana ay dileen afar qof oo Soomaali ah, kuna dhaawaceen kuwa kale. Buracadda ayaa sidoo kale boobay goobo ganacsi oo ay Somaali leeyihiin, sida lagu sheegay qoraalka dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqaysa in Dowladda Koonfur Afrika in ay ku dadaasho ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed oo loo geeysano falalka arxan darro lana dhaco goobaha ganacsiga ay lee yihiin iyo ilaalinta xuquuqdooda.

"Dowladda Soomaaliya waxay ku faanaysaa xiriirka taariikhiga ah ee ay la leedahay dadka Koonfur Afrika intii ay ku jireen halgankii ka dhanka ahaa midab kala sooca iyo heerka ay gaarsiisneyd taageerada badan ee sida siyaasadda dhaqaalaha iyo istiraatiijiyadda." Ayaa lagu yiri qoraalka ay dowladda Soomaaliya soo saartay.

Illaa 72 qof ayaa ku dhintay rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika, kadib markii la xiray madaxweynihii horre ee dalka South Afrika Jacob Zuma oo hadda xiran.

Booliska ayaa shaley isku dhacay taageerayaasha Zuma gobollada KwaZulu-Natal iyo Gauteng.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa dadka ugu baaqay in ay joojiyaan rabshadaha ka socda dalkiisa, isagoo ku baaqay in ay dadka ay xasilloonida ka shaqeeyaan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category