Raysal Wasaare Rooble oo tegay Kismaayo

Kismaayo (RH)-Wafdi uu hoggaaminayo ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa goordhow ka dagay magaalada Kismaayo ee xarrunta gobalka Jubbada Hoose.

Wafdiga ra'iisal wasaaraha oo ay ka mid yihiin wasiiro iyo xildhibaanno ayaa waxaa garoona diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Waa markii ugu horreysay oo ra'iisal wasaare Rooble tego Kismaayo tan iyo markii xilka loo magacaabay bishii September sannadkii horre.

Wafdiga ra'iisal wasaaraha ayaa u tegay Kismaayo in la xalliyo khilaafka ka taagan doorashada lagu qabanayo gobalka Gedo.

Raysal wasaare Maxamed Xuseen RoobleRaysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category