Barakac baahsan oo ka socda Muqdisho iyo Wasiirka Amniga oo goordhow hadlay

Muqdisho (RH)-Wasiirka amniga gudaha, Xasan Xundubey Jimcaale oo goordhow la hadlay telefishanka dowladda ayaa sheegay in dowladda ay ka digeyso kooxaha hubeysan ee sida mooryaanta u dhaqmaya ee dhacaya dadka ama dilaya.

Waxa uu sheegay in dowladda awood u lee dahay in amniga magaalada Muqdisho ay sugto laakin loo turayo dadka shacabka maadama bil ramadaan lagu jiro.

Wasiir Xundubey ayaa sheegay in dowlado shisheeye ay ka dambeeyaan dagaallada ka socda magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho ka billowday barakac baahsan, kaddib markii ciidamada taabacsan mucaaraadka ay u guureen agaagag cusub oo ku yaalla degmooyinka magaalada Muqdisho.

Barakaca ayaa ka socda degmooyinka Hodan, Howlwadaag,WartaNabadda iyo goobo kale.

Wadooyinka caasimadda ayaa lagu arkayaa gaadid ay saaran yihiin joodariyaal iyo alaabta guryaha ayna la socdaan dad u badan dumar iyo carruur.

Ciidamada taabacsan mucaaradka ayaa xaley ka guuray aagga madaxtooyadii horre ee Cabdiqaasim ee KM4 waxaana ay dageen xaafadda Siigaale halkaasoo ay horrey u sii joogeen ciidamo kale oo ka tirsan mucaaradka.

Si kastaba, waxaa socda dadaalo lagu xallinayo khilaafka jira oo ay wadaan ururada bulshada rayidka iyo wakiilada beesha caalamka u jooga Muqdisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category