Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho & Hoobiyayaal ku dhacay Xalane

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxa ay ka qeybgali doonaan shir u dhexeeya madaxda dowladda federaalka, maamul goballeedyada iyo Gobalka Banaadir oo maalmaha soo socda ka dhacaya xarrunta Xallane ee ku dhex taalla garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wafdiga Axmed Madoobe waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay xildhibaanno, masuul kale oo ka tirsan dowladda iyo kuwa gobalka Banaadir.

Axmed Madoobe lama hadlin saxaafadda markii uu ka dagay garoonka, waxaana loo galbiyay guri uu ka dagayo Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in maanta galinka dambe illaa iyo berri in ay Muqdisho ay soo gaaraan madaxda maamullada Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle kuwaasoo iyana ka qeybgalaya shirkan oo horrey saddex jeer u baaqday.

Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho

Dhinaca kale, tiro hoobiyaal ah ayaa ku dhacay xerada Xalane oo ku yaalla xeydaabka garoonka diyaaradaya Muqdisho xarunna u ah wakiilada beesha caalamka, QM iyo kuwa AMISOM.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in illaa shan hoobiyaal ah ay ku dhaceyn xerada Xalane, mana jiro wax khasaare ah oo la ogyahay in ay geesteen hoobiyayaashaas.

Ma ahan markii ugu horreysay oo hoobiyayaal lagu tuuro xerada Xalane, mana jirto koox illaa hadda sheegata hoobiyayaasha ku dhacay garoonka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category