Dowladda Soomaaliya oo diiday in dib loo dhigo kiiska badda ee Keya kala dhexeeya

Muqdisho (RH)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ka hadashay codsi ay sheegtay in dowladda Kenya ugudbisay maxkamadda ICJ.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo saxafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Kenya ay rabto in markii afaraad in dib loo dhigo kiiska badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Waa markii saddexaad oo xiriir ah oo Kenya ay codsatay in dib loo dhigo dacwadda.

Dacwadda Badda ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo billaabatay kol horre, laakin xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah loo billaabay.

Waxaa sheegis mudan in xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu marayo meel xun, waxaana dowladda Soomaaliya ay sannadkii horre ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay dalka ay dariska yihiin Kenya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category