Booliska Soomaaliya oo faahfaahiyay weerar ka dhacday degmada Karaan

Muqdisho (RH)-Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay weerar shalay galinkii dambe lagu qaaday xarunta maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, weerarkaas oo lagu dilay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo shir jaraa'id ku qabtay saldhigga booliska degmada Kaaraan ayaa sheegay in koox burcad ciidan u yaal ah oo hubeysan ay weerar ku qaadeen xarunta degmada Kaaraan, isla markaana ay dileen Lab Xunood oo boolis ah iyo qof shacab ah.

Afhayeenka ayaa sheegay inay ku raadjoogaan kooxda burcadka ah ee weerarka ku qaaday xarunta degmada, isla markaana ay Cadaaladda horkeeni doonaan,wuxuna intaas raaciyay inaysan hayn in dilka Askartaa uu la xiriiray dhul la isku haysto balse kali ah ay ogyihiin koox burcad ah ay dileen Ciidamo Boolis ah oo Qaranka u shaqaynayay.

Marka laga soo tago warkaan kasoo Baxay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Warar soo baxayay waxaay sheegayeen in weerarka ka dhacay Xarunta Maamulka Degmada Kaaraan ay ku lug lahaayeen qul qulatooyin maalmahaan ka jiray degmadaas iyo arimo dhul la isku haystay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category