Golaha wasiirrada Faransiiska oo taageeray sharci wax looga qabanayo xagjirnimada

Golaha wasiirrada Faransiiska ayaa ansixiyay hindise-sharciyeed looga gol leeyahay in wax looga qabto xagjirnimada kaddib weerarradii is xigxigay ee dhowaan ka dhacay dalkaas.

Sharcigan oo ah mid uu muddo dheer Madaxweyne Emmanuel Macron ku doonayay in lagu joogteeyo aragtiyada cilmaaniga ku dhisan, ayaa xoojinaya shuruucda waxbarashada guryaha iyo hadallada nacaybka ku dhisan.

Dadka qaar oo ka soo horjeeda sharcigan, oo ku sugan gudaha Faransiiska iyo dibaddaba ayaa ku eedeeyay dowladdiisa inay sharcigan u adeegsaneyso in lagu beegsado diin.

Balse Ra`iisul Wasaare Jean Castex ayaa ugu yeeray "sharci difaacid ah" kaas oo Muslimiinta ka xoreyn doonto xagjirnimada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu ku adkeystay in hindisahan "aanan looga soo horjeedin diin amaba uusan gaar ahaan ka dhan ahayn Islaamka".

Maxaa ku xusan sharciga?

Sharciga "oo xoojinaya shuruucda Jamhuuriga" ayaa sii xoojin doona xayiraadaha hadallada nacaybka ee baraha internet-ka wuxuuna mamnuuci doonaa in internet-ka loo adeegsado in lagu soo bandhigo xogta dadka kale.

Tani ayaa loo arkaa inay jawaab u tahay gowricii lagula kacay macallin Samuel Paty bishii October. Paty, oo 47 jir ahaa, ayaa waxaa dilay qof weerar ku soo qaaday kaddib markii uu ardayda tusay sawir-gacmeedyo lagu sheegay Nabi Muxamed NNKH.

Baaritaanka ayaa muujiyay in olole barta internet-ka ah oo isaga ka dhan ah la bilaabay.

Sharciga ayaa sidoo kale mamnuucaya iskuullada "qarsoodiga" ah ee dhiirrigeliya fakradaha Islaamka wuxuuna xoojinayaa shuruucda waxbarashada guriga.

Wuxuu sidoo kale xoojin doonaa mamnuucidda guurka xaasaska badan iyada oo ragga xaasaska badan loo diidi doono codsiyada degganaanshaha. Dhaqaatiirta ayaa la ganaaxi doonaa amaba la mamnuuci doonaa haddii ay tijaabada bikranimada ku sameeyaan gabdhaha.

Waxaa jira shuruuc cusub oo ku aaddan hufnaanta dhaqaalaha ee ururrada Muslimiinta iyadoo laga doonayo inay u hoggaansamaan qiyamka Jamhuuriga Faransiiska.

Mamnuuciddii in dharka astaanta diimaha loo xirto goobaha shaqada ayaa waxaa lagu dari doonaa inaysan sidoo kale xiran karin shaqaalaha gaadiidka iyo kuwa ka shaqeeya goobaha lagu dabaasho iyo suuqyada.

Maxay tahay sababta loo soo saaray sharciga?

Hindisaha sharciga ayaa in muddo ah la qorsheynayay in la ansixiyo balse weerarradii ay koox Islaamiyiin ah dhowaan ka geysteen Faransiiska ayaa sababay in la dedejiyo.

Dilka Paty wuxuu ka mid ahaa saddex weerar oo caro ka abuuray Faransiiska. Saddex qof ayaa ku dhintay weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay kaniisad ku taalla magaalada Nice bishii October.

Labo qof ayaa sidoo kale bishii September toorrey lala dhacay isla markaana si xun loogu dhaawacay magaalada Paris meel u dhow xafiisyadii hore ee wargeyska Charlie Hebdo, halkaas oo kooxaha Islaamiyiinta ay sanadkii 2015 ka fuliyeen weerar dhimasho sababay.

Madaxweyna Macron waxaa lagu yaqaannaa difaacidda qiyamka Jamhuuriga oo ay ku jirto cilmaaniyadda. Wuxuu diinta Islaamka ku tilmaamay diin "ku jirta xasarad" wuxuuna difaacay xaqa uu Charlie Hebdo u leeyahay inuu daabaco sawir-gacmeedyada lagu sheegay Nabiga NNKH.

Faransiiska waxaa ku nool bulsho lagu qiyaasay shan milyan oo Muslimiin ah, waana dalka ay ku nool yihiin tirada ugu badan Muslimiinta Yurub.

Waa maxay falcelinta ka dhalatay?

Mr Macron ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay dalal dhowr ah oo ay Muslimiintu ku badan yihiin.

Xiriirka Turkiga iyo Faransiiska, oo markii horeba xumaa, ayaa ka sii daray, iyadoo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu sharciga ku sheegay "dacaayad" isagoo intaas ku daray in Mr Macron uu "maskaxiyan xanuunsan yahay".

Dibadbaxyo ayaa ka dhacay dalalka Pakistan, Bangladesh iyo Lebanon.

Ergayga Mareykanka ee arrimaha xorriyadda diinta, Sam Brownback, ayaa sidoo kale cambaareeyay, isagoo yiri: "Markii aad gacan bir ah isticmaasho, xaaladda way ka sii dareysaa."

Gudaha Faransiiska, qaar ka mid ah siyaasiyiinta garabka bidix ayaa walaac ka muujiyay in sharciga loo arki karo mid takooraya Muslimiinta.

Wargeyska Le Monde ayaa sheegay in sidoo kale uu saameyn ku yeelan karo kooxo diimeedyada kale ee adeegsada waxbarashada guriga.

Balse weriyaha BBC-da Lucy Williamson ee ku sugan Paris ayaa sheegtay in cadaadisku uu ku sii kordhay Madaxweyne Macron.

 

xigasho BBC

Category