Guddiyo doorasho oo iska soo horjeeda oo Muqdisho looga dhawaaqay

Muqdisho (RH)-Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka ee ay diideen musharaxiinta iyo qaar ka mid ah maamul gobolleedyada ayaa maanta Muqdisho ku doortay guddoon si howlahooda ay u sii waddaan.

Guddigaan ayaa ku xareysay hoteel ku yaalla Muqdisho, waxaana ka maqan xubnihii heer dowlad goboleed ee maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Guddiga ayaa waxaa gudoomiye loo doortay Maxamed Xasan Maxamed oo helay 17 cod , halka musharixii la tartamayay ee liibaan Abuukar Cismaan uu helay 3 cod.

Sidoo kale, waxaa guddoomiye ku-xigeen loo doortay Mowliid Mataan Salaad oo helay 19 cod , Halka musharixii latartamayay ee Yuusuf Maxamed Qayr uu tanaasulay doorashada ka hor.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeyso xilli ay guddiga ka maqan yihiin xubnihii ay soo magacaabeen maamul gobolleedyada Jubaland iyo Puntland oo aan ku qanacsaneyn qaabka ay dowladda dhexe u wado howlaha doorashooyinka.

Musharixiinta mucaaradka

Dhinaca kale,Golaha Midowga Musharaxiinta oo Muqdisho ku shiray ayaa maanta magacabay guddi ka kooban 28 xubnood, oo loogu magac daray Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Dalka.

Afhayeenka Midowga Musharrixiinta, Ridwaan Xirsi oo saxaafadda la hadlay markii uu soo dhammaaday kulanka ayaa sheegay in guddiga ay magacaabeen ay ka shaqeynayaan sidii ay doorasho xor iyo xalaal ah oo qof walba ku qanacsan yahay dalkan uga dhici laheyd.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category