Diwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland Oo Maanta Ka bilaabmatey Todoba Degmo Doorasho

Hargeysa(RH)Diwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah Uga bilaabmatey Todoba Degmo Doorasho Oo Dalka Ah ,Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Maanta Safar shaqo ku tagay xarunta gobolka Awdal ee Boorama.

waxaanu sheegay guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranku Cabdirashiid Maxamed Cali (Cabdirashiid Riyo-raac) in kormeerkiisu la xidhiidho diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka oo maata si rasmi ah uga bilaabantay degmo doorashooyinka gobolka Awdal iyo degmooyin ka tirsan gobolka Maroodi-jeex, isaga oo intaas ku daray inuu kormeerkiisa ku tagi doono degmooyinka, Tuulooyinka iyo gaabaha ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaashu.

Waxa kale, oo uu sheegay guddoomiyaha guddida doorashooyinku in gobolka Awdal ay joogaan guddoomiye ku xigeenka guddida doorashooyinka iyo xubin ka tirsan guddidaas oo halkaas u jooga in ay xaliyaan wixii cilad farsamo ah ee yimaada inta ay socoto diiwaangelintu, wuxuuna tilmaamay in ay ka diyaar garoobeen ciladaha dhanka farsamada ah ee imankara, isaga oo intaas raaciyey in hawl-wadeenadii loo baahnaa ay diyaar ku yihiin goobaha haddii qalabka ciladi ku timaado.

Geesta kale Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay Diiwangalinta Codbixiyayaasha ee degmooyinka dalka ka bilaabantay.

Fadhigii maanta ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir gudoominaayey gudoomiyaha golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahaasi waxay dood ka yeesheen arrimaha diwangalinta codbixiyayaasha oo ay guddida doorashooyinka qaranku dalka ka wadaan.

Xildhibaan Sahal Iidle Dirir, xildhibaan Cabdiraxmaan cismaan shaadh iyo xildhibaan Mubaarig oo ka mid ahaa mudanayaashii dooda ka qaybqaadanaayey ayaa talo ahaan ku soo jeediyay in bulsho weynta reer Somaliland ay isdiwaangaliyaan oo ay kaadhadhka codbixinta qaataan, waxaanay mudanayaashaasi si wado jir ah u tilmaameen in roobabku deegaanada qaar ay ku yaraayeen loona baahan yahay in tixgelin gaar ah la siiyo muwaadiniintaasi.

 

Category