Xildhibaannada Hir Shabeelle oo doortay madaxweyne iyo ku xigeen

Jowhar (RH)-Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee HirShabeelle kaddib marki uu ku  guuleystay codad gaaraya 86.

Guudlaawe ayaa ka adkaaday Cabdiraxmaan Jimcaale oo helay codad gaaraya 13.

Sidoo kale, xildhibaannada baarlamaanka HirShabeelle ayaa madaxweyne ku xigeen noqday Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo helay 87% codadka xildhibaannada.

Yuusuf Dabageed oo dhowr mar soo noqday duqa gobalka Hiiraan, ayaa ka guuleystay Maxamuud Maxamed Dheere oo helay 12 cod.

Doorashada HirShabeelle ayaa aad loola socdaa guud ahaan Soomaaliya, oo waxa ay qeyb ka tahay isbaddelka ka dhacaya Soomaaliya dhammaadka sannadkan iyo billowga sannadka na soo aadan.

Yuusuf Dabageed

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category