Maxaa laga ogyahay wafdiga Kenya ka socda ee ku sugan Muqdisho?

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho, waxaa maalintii labaad ku sugan wafdi uu hoggaaminayo xoghayaha arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau, kuwaasoo kulamo la leh masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Warbaahinta Maxalliga ee Muqdisho, ayaa sheegay in wafdiga Kenya ay u yimaadeen Muqdisho siddii loo hagaajin lahaa xiriirka labada waddan ee deriska ah oo saddexdii sanno ee la soo dhaafay xumaa.

Sidoo kalem wafdiga Kenya ayaa u yimid Muqdisho sidii loo xoojin ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga gobolka.

Maxaa laga ogyahay wafdiga Kenya ka socda ee ku sugan MuqdishoMaxaa laga ogyahay wafdiga Kenya ka socda ee ku sugan MuqdishoMaxaa laga ogyahay wafdiga Kenya ka socda ee ku sugan Muqdisho

"Kenyanka iyo Soomaalida waa inay diirada saaraan kordhinta ganacsiga, halkii ay ku ekaan lahaayeen arimaha siyaasada," ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Kenya oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Twitterka.

Wafdigan oo joogi doona Muqdisho saddex cisho, waa wafdigii ugu cuslaa ee xukuumadda Nairobi u soo dirto Muqdisho tan iyo markii dowladda federaalka ay joosay khaadka ka imaanayay Kenya.

Si kastaba, dadka arrimahan fallanqeeya waxa ay lee yihiin ujeedada wafdiga Kenya ka socda ee imid Soomaaliya, waa dib loo fasax Khaadka Kenya ka yimaada oo dhaqaale badan uu ka soo galo dowladda iyo shacabka Kenya

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category