Biden oo afka ka dhowrtay inuu sheegto guul

Wilmington (RH) — Joe Biden, ayaa sheegay in dadka Maraykanka ay u doorteen inuu wax badan ka beddelo xaaladda dalka uu iminka ku jiro, kaddib markii la sheegay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee Talaadadii ka dhacday waddankaas.

Mr. Biden oo 78 jir ayaa kumanaan qof kula hadlayay xarrunta ololihiisa, ayaa afka ka dhowrsaday inuu yiraahdo "doorashada waa ku guuleystay" laakin waxa uu sheegay in ay cadahay inuu guuleysanayo.

Waxa uu hadda ku horreeyaa afarta gobal ee go'aamin doona natiijada doorashada oo uu hadda ka lee yahay codadka ugu badan welina ay socoto tirinta codadka.

Madaxweyne Trump ayaa isna uga digay Biden sheegashada guusha, waxaana uu sheegay in hadda ay billow tahay in dacwad la isla tego.

Madaxda caalamka ayaa billaabay in ay hambalyo u diraan madaxweynaha la doortay, waxaana madaxdaas ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sheegay in Maraykanka uu saaxib dhow la yahay Maraykanka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu
 
 

Category