Turkiga oo Badiisa kahelay xadi aad ubadan oo ah Gaasta dabiiciga ah

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku dhowaaqay inay heleen keyd weyn oo gaaska dabiiciga ah oo ku yaalla Badda Madow ee ku dhow xeebaha Turkiga.

“Turkey waxa ay shaaca ka qaadeysaa in ay heshay xadi aad u balaadhan oo ah  gaas dabiici ah oo laga helay Badda Madow,” ayuu yiri madaxweynaha Erdogan oo shacabka kala hadlay qasriga Dolmabahce Palace ee Istanbul.

Markabka saliidda qoda ee Fatih ayaa helay qiyaastii 320 bilyan oo cubic meter oo gaas ah, sida uu sheegay Erdogan, oo shaaca ka qaaday war wanaagsan oo uu shacabka u ballan-qaaday horraantii toddobaadkan.

Turkey ayaa qorsheyneysa inay gaaska u diyaariso shacabka sanadda 2021, sida uu sheegay madaxweynaha, isaga oo intaas ku daray in gaas kale oo dabiici ah oo laga helo goobo kale oo ka mid ah Badda Madow ay suurta-gal tahay.

“Gaaskan waxaa laga helay kaliya hal ceel, waana qeyb ka mid ah kheyraad hodan ah,” ayuu yiri Erdogan, oo sheegay inuu filayo in war kale oo wanaagsan laga helo sahmin ay ka wadaan badda Meditareeniyaanka.

Markabka Fatih ayaa shaqadan billaabay 20-kii July.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Turkey ay dooneyso inay noqoto dal dhoofiya tamarta. “Turkey ma istaagi doonto illaa gaaska ay dhoofiso uu ka bato midka ay soo dhoofsato,” ayuu yiri.

Category