Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubatay Markab Panama laga leeyahay

Burcad-badeed Soomaali ah ayaa afduubtay Markab laga leeyahay dalka Panama, kaas oo ka yimid Imaaraatka Carabta una soo socday dekadda Muqdisho.

Markabka ayaa weerar lagu qaaday xilli habeen ah oo ay hurdayeen shaqaalihii saarnaa, sida ay wakaaladda wararka ee Anadolu ka soo xigatay sarkaal ku sugan Puntland.

Lix burcad-badeed ayaa weerarka geystay sida laga soo xigtay badhasaabka Gardafuu Muuse Saalax.

Maamulka gobolka Bari ee Puntland oo ay dhacdadani ka dhacday ayaa sheegay in markabka ay haatan la soo deristay cillad dhanka farsamada ah.

 

xigasho . BBC

Category