Sawirro: Nibiri ku soo caariyay xeebaha Soomaaliya oo la kala qaybsaday

Garowe (RH)-Wararka ka imaanaya degmada Bareeda ee gobolka Gardafuul oo ka tirsan Puntland, ayaa sheegaya in halkaas uu ku soo caariyay Nibiri aad u weyn oo calooshiisa laga helay 30kg oo Cambar ah.

Warbaahinta iyo dadka deeganka ayaa sheegay in la qaybsaday cambarka laga helay nibiriga, waxaana loo qaybsaday sidan.

40% waxaa cambarka la siiyay kooxdii gacanta ku soo dhigtay, 30% waxaa la sheegay in la siiyey maamulka degmada iyo ciidanka ammaanka degmada Bareeda, halka 30% la siiyay kalluumaysatada deegaanka.

Waa markii ugu horreysay oo nibiri intan gaaraysa calooshiisa uu ku soo caariyo xeebaha Puntland.

Horrey waa looga arkay deegankan iyo xeebaha kale ee Soomaaliya nibir soo caariyay oo calooshiisa laga helay cambar badan.

Cambartu

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category