Nin soomaaliya oo ka baaqsadey mastaafur

RH: Nin Soomaali ah oo laga waayay in laga mastaafuriyo dalka Denmark  ka dib markii uu halis galiyey k shaqaale isbitaalka dhimirka. Ninkaan, oo 40 jir ah, ayaa lagu sheegay inuu xanuunsan yahay, taasoo maxkamadu cadeysay in aanu caafimaadkiisu taam ahayn markii uu  khatar gelinayey qofka ka mid ah shaqaalaha isbitaalka dhimirka.

 

Maxkamadda Roskilde ayaa markii hore go'aansatay in dalka laga mastaafuriyo, laakiin dacwad oogaha ayaa ka qaatay ambiil go'aanka maxkamadda.

Ka dib maxkamadda Sare ayaa cadeysay in aan la mastaafurin karin qof xanuunsan, maadaama oo  la og yahay in uusan garanayn waxa uu sameynayo.

 

Ninkaan, oo Denmark yimid markii uu 11 jir ahaa, ayaa horey loogu xukumay dambiyo kala duwan, laakiin 2007-kii ayaa lagu ogaaday inuu xanuunsan yahay. Maxkamadda Sare ayaa ku sababeysay go’aankeeda in mastaafurintu  hor imanayso xuquuqda uu u leeyahay inuu yeesho nolol qoys iyo mid khaas ah, sida uu qabo heshiiska xuquuqda aadanaha.

 

Dhinaca kale, xeer ilaaliyaha dawlada , oo ah xafiiska ugu sarreeya dacwad oogayaasha, ayaa aqoonsaday in inkastoo mastaafurintu  dhaawici karto ninkaan, haddana ay jiraan khataro joogto ah oo uu mar kale dembiyo culus ku sameyn karo. Sidoo kale, waxaa la sheegay in ninka aanu si fiican ugu dhex u dhexgalin bulshada Denmark,  taas oo u fududeynaysa in uu noolaankaro  Soomaaliya.

 

maxkamadaha danbe ayaa had iyo jeer la jaanqaadi kara kiiska ninkan, maadaama ay jiraan go'aano kale oo la xiriira dadka Soomaalida ah, oo ay ka mid tahay kiiska nin 23 jir ah oo lagu xukumay in uu ka baxo Denmark sababo la xiriira dembiyo daroogan ah.

Category