Xildhdibaan Barkhad Batuun oo billad lagu gudoonsiiyay Jabuuti

Djibouti (RH)-Dowladda Jabuuti ayaa bilad gudoonsiisay Barkhad Jaamac Batuun oo ah xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-banaanida ee Somaliland.

"Billadan waxa aan u hibbeyn doona shacabka sharafta badan ee Reer Somaliland ee aan huwanahay karaamadooda, Codkooda, iyo Calankooda. Waxa aanan u guddoonsiin doona qofka qaranka ugu mudan Insha Allah." Ayuu yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

Barkhad Jaamac Batuun ayaa isla safarkiisa kula kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismail Omer Gelle oo ku qaabilay Qasriga Madaxtooyadda Jabuuti.

Xiggasho: BBC

Category