Weriye Cabdalle Muumin oo maalintii saddexaad ku xidhan magaalada Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii saddexaad ku xiran saxafi lagu magacaabo Cabdalle Muumin Axmed, kana mid ah madaxda ururada saxaafadda u doodda ee ka howlgala caaismadda.

Illaa hadda si rasmi ah looma sheegin sababta loo xiray, balse dowladda ayaa la sheegay in ay xirtay kadib markii uu ka soo horjeestay hadal uu sheegay wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya kaasoo ahaa in la mamnuucay in la baahiyo wararka la xiriira ururka Al-Shabaab.

Ilo ku dhow xafiiska ururka SJS, ayaa lagu sheegay in weriye Cabdelle oo labadii maalin ku xirnaa xarunta Nabad sugidda ee NISA, kadibna xalet loo gudbiyey xarunta Denbi-baadhista ee CID- da.

"Waxaan cambaareynayaa falka lagu xiray Xoghaya guud ee ururka Somali Journalists Syndicate - SJS saaxiibkey Abdalle Ahmed Mumin. Falka lagu xiray xoghaya guud ee SJS wuxuu muujinayaa caburinta ku billaabatay warbaahinta Soomaaliyeed, falkaan wuxuu daba socdaa falkii xalay lagu weeerary xafiiska ururka SJS ee Muqdisho" sidaa waxaa yiri Maxamed CabdiWahaab oo madax ka ah Idaacadda Risaala.

Agaasime Maxamed Cabdi Wahaab



Dhinaca kale, wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa beenisay eedaha ku saabsan in Cabdelle Muumin loo heesto eedo la xiriira inuu baahiyay muuqaal laga duubay ciidamada ammaanka iyagoo ku sugan xarunta  SJS, uuna baahiyay warar khatar ku ah ammaanka dalka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Cabadalle xabsiga lagu celiyey maalinta Axadda oo bisha October 16 in loo horgeeni doonaa maxkamadda gobalka Banaadir.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category