Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo gaartay Muqdisho

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Raychelle Omamo ayaa goordhaw gaartay magaalada Muqdisho halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq.

Safarkan ayaa lala xiriirinayaa dib u hagaajinta xiriirka diblumaasi iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal.

Dhanka kale sida ay sheegeen xubno ku dhow xafiiska Ra'iisul wasaaraha, Mr Rooble ayaa lagu waday in uu yimaado Nairobi, walow aanay faafaahin qorshaha safarkiisa iyo xilligaba.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku kulmay caleemaasaarkii madaxweynaha Jabuuti halkaas oo la sheegay inay ka wada-hadleen hagaajinta xiriirka labada dal.

Waxaana la rumeysan yahay inay markale ku kulmeen magaalada London intii uu socday shirkii caalamiga ahaa ee waxbarashada.

xigasho BBC

Category