Soomaaliya oo gashay kaalinta 10-aad ee orodka Olombikada Tokyo

TOKYO (RH)—Orodyahan Cali Iidow Xasan oo Soomaliya ku matalayay oradka 15,00 Mitir ee cayaaraha Olombikada adduunka oo ka socda magaalda Tokyo ee waddanka Japan ayaa galay kaalinta 10-aad.

Cali Xasan ayaa ku orday 3:43.9, wuxuuna ka hormaray orodyahanno u dhashay dalalka Qatar, Poland, Equatorial Guinea, Brazil, Spain, iyo Morocco, waxaana tartankan kaalinta ugu horreysa ku soo baxay Kipsang Abel oo u dhashay Kenya, halka kaalinta ku xigta ee labaadna u soo galay Centrowitz Matthew oo u dhashay Mareykanka.

Cali Iidow  Xasan waxa uu sameeyay bandhig wanaagsan oo muujinaya inuu yahay  ciyaaryahan Orodka  dalkeenna  bilado  u keenni kara mustaqbalka dhow.

Cali  oo xero tababar ay geliyeen Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed ku jiray tan iyo July 2017,gudaha dalka oo laba xero ah iyo dalalka Kenya iyo Ethiopia oo ah halka  ugu  tababarka ugu badan kusoo qaatay ayaa muujiyay   natiijo ifafaalo wanaagsan  muujinaysa.

 Cali Iidow oo galay kaalinta 10-aad ee orodka Olombikada Tokyo

Weriye Xuseen Maxamed Hadaafow, ayaa sheegay in Cali haddii uu heli lahaa Tartamo heer qaaradeed ah oo uu  ka qeyb galo labadi sano ee lasoo dhaafay natiijadiisa heerkan way ka wanaagsanaan lahayd, waxaana  qeyb kamid  ah u sabab ahaa Covid 19 oo tartamo badan  oo caalami ah hakiyay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category