Somaliland Oo Maanta Si Rasmi Ah Safaarad Uga Furatay Magaalada Taipei Ee Taiwan

Hargeysa (RH):-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta oo Arbaca ah si rasmi ah u furatay Safaaradda ay ku yeelanayso  caasimadda  TAIPEI ee dalka Taiwan.

Xaflada furitaanka xafiiska Somaliland ay ku yeelanayso dalkaas ayaa lagu qabtay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Taiwan, kaas oo ku yaala goobaha ay dagan yihiin xafiisyada diblamaasiyiinta dalalka safaaradaha ku leh dalkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo farriin muuqaal ah kaga qaybgalay furitaanka Safaaradda Somaliland ku yeelanayso Taiwan, ayaa sheegay in ay bilaabayaan sidii loo xoojin  lahaa xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Taiwan iyo dalalka kale ee adduunkaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey inay Somaliland kaalin ka geysato xasiloonida iyo adkeynta nabadgelyada Geeska, isla markaana ay ka shaqeynayso sidii cilaaqaad wanaagsan ula yeelan lahayd dalalka jaarkeeda ah iyo caalamka oo dhanba.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in tan iyo bishii July uu sii xoogeysanayey xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Tawain, kaas oo ku salaeysan  qiyam wadaag, xoriyad iyo dimuqraadiyad, Waxa kaloo danjire Maxamed Xaaji uu intaas ku daray in cilaaqaadka saaxiibtinimo ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan  aanu cidna dhibaato u laheyn.

Wasiirka Arrimaha Dibadda  Taiwan Mr. Joseph Wu ayaa tilmaamay inuu soo dhaweynayo xafiisyada  diblomasaasiyadeed ee labada dal isweydaarsadeen, waxaanu xusay in xafiiska Somaliland ka furatay dalkiisa uu bog cusub u furayo xidhiidhka labada dawladood.

Wasiirka Khaarajiga Taiwan wuxuu sheegay in Somaliland iyo  Taiwan ay iska kaashanayaan mashaariic la xidhiidha Beeraha, Kalluumaysiga iyo Macdanta.

 

1

 

2

 

3

 

3

 

4

 

 

Category