Shirkii Golaha Wasiirrada  Somaliland Oo Lagaga Hadley Xaalada Guud ee Dalka  

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 15-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa waxaa  lagaga hadlay arrimo door ah oo ku saabsan amniga, iyo horumarka qaranka, waxana warbixin dhinaca amniga ah lagaga dhegaystay wasaaradda arrimaha gudaha.

 

Arrimaha kale ee shirkan lagaga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa xaaladda xuduudaha bariga ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo duullaanka lala dul-joogo shacabka deegaannadaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay weerarro kaga imanayeen maamulka Soomaaliya, waxana shirka lagu muujiyey sida ay Somaliland u danaynayso nabadda iyo deris-wanaagga.

Sidoo kale, waxa uu shirku caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay sugidda xuduudaheeda iyo difaaca dhulkeeda, marnabana aanay weerar ku ahayn xuduudo dal kale, isla-markaana ay Somaliland beesha caalamka iyo dalalka deriskaba u xaqiijinayso Muhiiimadda nabadda iyo degenaanshaha.

 

Category