SAWIRRO: Muqdisho oo laga xusayo 61 guurada xorriyadda gobollada Koonfureed

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa tan iyo xaley ka socota munaasabado lagu weyneenayo 61-guurada ka soo wareegtay markii gobollada Koonfureed ay xorriyadda qaateen iyo midowga gobollada waqooyi iyo kuwa Koonfureed, markaas oo ay dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Munaabad loogu dabbaal dagayo 1-da Luulyo ayaa xaley lagu qabtay madaxtooyada Soomaaliya, waxaa ka qeybgalay madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo xubno ka tirsan madaxda dowladda.

Munaasabadda ayaa markii ay saacadda soo gaartay 12-ka saqde dhexe, laga saaray calanka Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha uu sharaf ka qaatay ciidamada xoogga.

Dhinaca kale, waxaa maanta golaha murtida iyo tayaatarka Muqdisho ka socota munaasabad weyn oo lagu weyneenayo kowada Luulyo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, raysal wasaaraha Soomaaliya, iyo guddoonka baarlamaanka, duqa Muqdisho iyo masuliyiin kale ayaa ku sugan xafladda ka socota tiyaatarka qaranka Muqdisho.

Xafladda ka socota tiyaatarka Muqdisho

Xafladda ka socota tiyaatarka MuqdishoXafladda ka socota tiyaatarka MuqdishoXafladda ka socota tiyaatarka MuqdishoXafladda ka socota tiyaatarka MuqdishoXafladda ka socota tiyaatarka Muqdisho

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category