Raysal wasaare Rooble iyo madaxda Puntland oo weli xal gaarin

Garoowe (RH)-Maalintii saddexaad waxaa magaalaa Garoowe ee xarrunta Puntland ku sugan wafdi uu hoggaaminayo ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Wafdiga oo ay ku jiraan wasiiro ka tirsan xukuumadda ayaa kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah la qaatay madaxda Puntland, sida ay saxaafadda ku soo warramayaan balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in weli ay isku mari la'yihiin arrimo ay ka wadahadli lahaayeen sida loo billaabayo arrimahaas.

Arrimaha la isku hayo ayaa waxa ay u badan yihiin arrimaha doorashada.

Ra'iisal wasaare Rooble ayaa madaxweynaha Puntland u sheegay in uu diro afarta xubnood ee guddiga doorashada u matalaya Puntland isla markaana ay tagaan magaalada Muqdisho si doorashada ay uga qeyb qaataan.

Ra'iisal wasaaraha ayaa sidoo kale ku baaqay in madaxda Puntland iyo guud ahaan kuwa kale ee maamul goballeedyada ay ka soo qeybgalaan shirweyne ka dhacaya Muqdisho oo looga hadlayo hannaanka doorashada 2021-ka.

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wasiirka dastuurka

Ilo xog ogaal ayaa Radio Hormuud u sheegay in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku adkeesanayo in marka horre la xalliyo arrimaha tabashooyinka ay qabaan maamul goballeedyada sida Jubbaland oo ku baaqday in ciidamada dowladda ay geesay magaalada Garbahaareey laga soo saaro iyo in tabashasda uu qabo guddoomiyaha aqalka sare Cabdixaashi ee ku aadan soo xulista xildhibaannada goballada waqooyi loo madax banneeyo.

Maanta ma jiro wax kulan ah oo dhacay maadama kulamadii horre la isku fahmi waayay, waxaase laga yaabaa in galabta uu kulan ay yeeshaan madaxweynaha Puntland iyo ra'iisal wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah wasiirada la socday ra'iisal wasaaraha, sida wasiirka arrimaha dibadda, waxbarashada, dastuurka, caddaaladda iyo maaliyadda.

Kulamada siyaasadda ee ka socda Garowe

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa xaley la kulmay bulshada rayidka iyagoo kala hadlay xaaladda doorashada, sidoo kale, ra'iisal wasaaraha ayaa maanta la kulmay ismada Puntland, waxaana ay kala hadleen hannaanka loo marayo doorashada iyo sida dowladda u diyaarisay.

Ma jirto illaa hadda wax natiijo ah oo ka soo baxay kulamada siyaasadda ee ka socda Garoowe, waxaana la filayaa wafdiga ra'iisal wasaaraha in caawa xaflad casho sharaf ah loogu sameeyo xarrunta madaxtooyada Puntland.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category