Qodobo ka soo baxay shirkii gollaha amaanku ka yeeshay xaalada Soomaaliya

Golaha ayaa kulankaas warbixin qaab online ah kaga dhageystay ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, waxaana kadib ay soo sareen warbixin ku saabsan doorashada Soomaaliya

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu fuliyo heshiiskii 17-ka September, hase yeeshee waxay yiraahdeen inay aad uga walaacsan yihiin in wada-hadalladii ugu dambeeyey ee Dhuusamareeb ay soo dhammaadeen ayada oo aan heshiis la gaarin.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha Soomaalida inay si deg deg ah dib ugu billaabaan wada-hadalladooda, ayna u wada shaqeeyaan danta shacabka Soomaaliyeed, si ay heshiis uga garaaan doorashooyinka ayada oo aragtidu tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Ammaanka.

“Waxaan sidoo kale soo dhoweeneynaa dhowaqa cusub ee wada-hadalalda dheeriga ah ee dhacay 15-ka Febraayo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wada-hadallada 15-ka Febraayo, ayaa si kastaba waxaa soo galay mugdi cusub kadib markii Puntland ay sheegtay inaan lagala tashan, taas beddelkeedna ay soo jeedisay in lagu qabto Muqdisho, lagan qeyb geliyo dhammaan saamileyda siyaasadda dalka. 

Category