Odensa: Soomaali midi isku gallisey xanaano ay caruur kaqaadanayeen

RH Kolding: Arinkan ayaa dhacay maallintii jimcihii markii laba carruur ah xanaanada laga soo dooney,

si kadis ah ayuu jawigii isu badaley waxaanu is afdhaafkii ku dhamaadey mindi.  sidan  waxaa qoray wargeyska Fyens Stiftstidende.

Sida ay warbaahintu sheegtay, waxay ahaayeen laba qoys oo colaadi ka dhaxaysay  mudo dheer oo si kadis ah u kulmay.

Dhacdadan waxaa ku dhaawacmey labo nin oo da’doodu kala tahay 21 iyo 32 jir . "Waxa isla markiiba  loo qaaday OUH (Cisbitaalka jaamacada ee Odense ), Nasiib wanaag dhaawacoodii khatar manoqon," ayuu yidhi taliyaha heeganka ee bilayska Fyen, Bjarne Tykgaard.

 Labada qof ee dhaawaca ah  sida ay warbaahintu sheegtay, waxay kamid ahaayeen  budhcadda 9hunna, oo inta badan ka kooban rag asalkoodu yahay Soomaali.

Si kastaba ha ahaatee, lama filayo in ay dhacdadani ku lugleedahay laba kooxood oo isdiyala waxaase la tuhunsanyahay in ay salka ku hayso khilaaf ka dhaxeeyey labada qoys ee ragani kasoo jeedaan kaas oo soo taxnaa dhawr sano.

Kiiskan ayaa weli waxaa ku socda baaritaan, mana jirto cid weli loo soo qabtay.

Category