Muqdisho: Kulankii baarlamaanka Soomaaliya oo soo dhammaaday

Muqdisho (RH)-Xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hageysa halkaasoo ay waayahan xildhibaannada ku shirayeen.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka SONNA, kulanka ayaa looga hadlay maanta ajandayaal ay ka mid yihiin cudurka Corona iyo ansixinta labo xubnood oo ka mid noqday xubnaha madaxa banaan ee xuduudaha.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Dr Fowziya Abiikar Nuur ayaa xildhibaannada uga warrantay xaaladda Corona ee dalka, waxa ay sheegtay wasiirka in kiisaska gobalka Banaadir ay yaraadeen tan iyo markii uu soo gaaray tallaalka looga hortagayo COVID19, laakin waxa ay xustay in goballada dalka uu ku sii kordhayo xanuunka.

Xildhibaannada ayaa ka dooday arrinta looga hadlayay xanuunka, waxa ay soo bandhigeen tirooyin muujinaya in weli xanuunka uu yahay mid halis ah.

Kulanka baarlamaanka ee dhammaday

 

Sidoo kale, intii kulanka uu socday ayaa waxa lagu ansixiyay labo xubnood oo ka mid noqonaya guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha.

Kulanka oo hadda soo dhammaaday, ayaa waxa sheegis mudan in Intii kulanka uu socday ayaa waxaa aad loo adkeeyay wadooyinka soo gala dhismaha xarrunta iyadoo lagu arkayay askar iyo gaadid dagaal oo fara badan.

Arrintan ayaa loo yeelay iyadoo uu maanta dhaqangalay go'aankii la saaray 15 xubnood oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka kuwaasoo laga mamnuucay in ay ka soo qeybgalaan shan kulan oo ka tirsan baarlamaanka.

Xildhibaannada fadhiyada baarlamaanka laga mamnuucay ayaa maanta ka qeybgalin kulanka laakin waxa ay sheegeen in ka qeygali doonaan kulamadooda, uuna guddonka ku qaldan yahay tallaabada uu sameeyay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia.

Category