Midowga Musharixiinta oo ka hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (RH)-Midowga musharixiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa kulan xaley ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku soo dhaweeyeen sida xukuumadda uu hoggaamiyo ra'iisaal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay xalisay khilaafkii ka taagaan guddoonka doorashada gobolllada Waqooyi.

Sidoo kale, midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale ka hadlay khilaaf la sheegay inuu soo dhex galay madaxweynaha Soomaaliya iyo 'ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Markii kulanka uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay Ridwaan Xirsi Maxamed oo mar soo noqday ra'iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, haatanna ka tirsan midowga musharixiinta mucaaradka ayaa sheegay in kulamada ay la haayeen

Kulanka Midowga musharixiinta Mucaaradka

sheegay in ra'iisal wasaaraha uu si wanaagsan u xalliyay khilaafkaas

"Kulanka waxaa uga hadalnay khilaafka hadda soo kala dhex galay madaxweynaha waqtigiisa uu dhammaaday iyo ra'iisal wasaaraha iyo qiimeyn guud xaaladda doorashada welina waa ay noo socdaan waxaana soo saari doonaa war-murtiyeed"ayuu yiri Ridwaan Xirsi.

Midowga Musharixiinta waxa ay sheegen in ra'iisal wasaaraha uu xaq u lee yahay in dalka Kenya uu heshiis la gaaro maadama uu hadda yahay qofka xilka sii heynaya illaa inta dowlad cusub laga dooranayo.

Si kastaba, waxaa tan iyo shaley soo baxayay warar sheegaya in uu jiro khilaaf ugub ah oo u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in maalmaha soo socdaa uu u ambabaxo dalka Kenya, isagaoo heshiisyo cusub la gali doona madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category