Maxaa Hortaagan Dhameystirka Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya? (Qeybta 1aad)

Waxaa laga jooga 30 sanno burburkii xukuumaddii dhaxe ee soomaaliya, sidoo kale muddo 20 sano ah waxaa lagu hawlanyahay dhisidda dawlad cusub oo dib u hannata dalka iyo illalinta amnigiisa, maareysa dhaqaalaha, iyo hanaanka dib u dhiska sharuucda dalka iyo hay’adaha xukuumiga ah. Intuba waxa ay soo mareyn xaalado kala duwan kuwaaso hormaro la taaban karo laga gaaray. Sidaaso tahay wali waxaa muuqato in hanaankii dawladnimo hortaaganyihiin carqalado iskugu jira hawlo qabya ah iyo dhaqan siyaasadeed ku dabran caqliga siyaasiga soomaaliyeed. Sida muuqato hawlaha qabyada ah’e marnaba in laga dhamaan karin iyadoo xal laga gaarin kala aragti duwanaanta salka ku hayso dhaqan siyaasadeedka ragaadiyay siyaasadda soomaalida.

Guud ahaan waxaa ay salka ku haysa fashalka dawladnimo ee soomaalida laba arrin oo muhiim ah, mid waa taariikh iyo falsafad u baahan dadaal maskaxeed si la isku waafajiyo isdiidooyinka falsafadeed ee ka dhax jira dhaqanka soomaalida iyo dhaqanka dawladnimada casriga ah. Midna waa hawlo farsamo oo u baahan heshiis siyaasadeed.

Soomaalida kuma guulaysan 60 kii sano ee laso dhaafay in ay dhisaan dareen waddareed qoomi ah oo ka durgsan ahaanshiyo beeledka kala furfuray is haysashada bulshada soomaalida. Iyadoo taa la helin marnaba ma suuragalayso in qaran soomaaliyeed la helo. Waxaa hubaal ah in soomaalida ay tahay bulsho u dhisan qaab reereed salka ku haysa dhaqan ka miiga, balse ma dhicin in dhaqanka miiga oo ah mid an gabi ahaan wada xunmeyn oo in laga gudbo ubaahan, balse waxaa salka dhaqanka miiga ku jira dhaqamo kaabaya dawladnimada sida wada lahaanshiyaha reer miiga, wada tashiga guud ee geedka hoostiisa. Marka si qoto dheer u baaritd fashilka baaxadda weyn ee ku dhacay dawladnimada soomaalida waxaa daremaysaa in xaaladdii kala guurka ee uu sababay gumeystihii reer yurub ahaa mid aan la fal galin dhaqanka bulshada soomaalida, waxaa isbedel ku dhacay qaabkii reernimada, aragtidii dawladnimada, waxaa meesha ka baxay dhaqan u dhaxeeya miiga iyo magaaleynta dhaqanka soomaalida. Kaaso ah sooyaal lagu dul dhisi karo nidaam dawladeed oo dhandhan soomaaliyeed leh. Kala guurkaasi waxuu sababay in dawladnimadii curdunka ahayd aysan ka jawaabin baahiyihi soomaalida, iyo yididiiladii loo qabay helidda qaran mideeya dhamaan ummadda soomaaliyeed.

Inta badan baarista salka mushkiladda dawlad la’aanta soomaaliya, waxaa lagu macneeya in dhaqanka miigu yahay mushkiladda, aanaduna waxaa dusha laga saara qabiilka, iyo bulshada soomaalida oo udhisan qaab aan la jaan qaadi karin xadaasada (Modernity) oo buddhiga u ah dawladnimada casriga ah. Balse doodda muhiimka ah waa sababta dawladda casriga ah ugu hanaqaadi weysay gudaha dadyowgii aan reer galbeedka ahayn, gaar ahaan ummadihii carabta iyo afrikaanka, xagga eedeynta dusha laga saari lahaa ummaddahaasi dhaqankooda, waxaa muhiim ah in la is weydiiyo sababta ay xadaasadu u badeli weysay dhaqankii bulshooyinkaas?


Falsafadda xadaasada waa mid leh taariikh iyo sooyaal gaar u ah bulshooyinkii isku duruufta ahaa ee yurub, kuwaaso ka sinna diinta iyo dhaqanka maamul. Diinta kirishtanka ayaa saldhiga u ah xadaasada reer yurub taasoo haddi aan la fahmin ay adagtahay in la fahmo xadaasada siyaasiga ah ee ay kaso ifbaxaday dawladnimada casriga ah. Sidoo kale waxa iyadana muhiim ah in la fahmo labada casri ee kala ah casrigii enlightenment iyo kacaankii warshadahada, kuwaasoo qaabeeyay maskaxda iyo qaabdhismeedka bulshooyinka reer yurub. Casrigii inlaytment ga (Elightenment) عصر التنوير waa mid ka kooban laba arin:


In la adeegsado maskaxda si looga baxo gunnimada aafeysay maskaxda qofka kirishtanka ah, gunnimadaasoo loo aaneenayay kaniisadda.

Kala soocidda diinta iyo dawladda, si looga hoos baxo maamulka diimeed ee dagaalada diiniga ah sababay, dawladuna u noqoto mid qoomi ah oo ka madax banaan diinta.

Labadaas arin oo salka ku hayya falsafadda xadaasada ee casrigii inlaytmentga (enlightenment) waxaa xoojisay heshiiskii loo yiqiinay peace of Westphalia kaaso ay ka dhalatay waxa loo yaqaano madaxbanaanida dawladda (Sovereignty) iyo asaaska qoomiga ah e ay ku taagantahay dawladnimada casriga ah.

Isbedelkaas siyaasiga ah ee wata asaaska falsafiga ah, waxaa si dheere isbedel bulsho oo ay sababtay kacdoonkii warshadaha ee hanaqaaday dhamaadkii qarnigii 17aad. Isbedelkaasi waxuu sababay in reer yurub u wareegtaan magaalooyinka, taasoo sababatay kobac dhaqaalo, sidoo kale waxa dhashay dabaqooyin bulsho iyo kala sareyn salka ku haya waxsoosaarka.


Isbedeladaasi waxay ay xoojiyeen xariirka bulshooyinka reer yurub iyo nidaam dawladnimo ee falasafad ahan  kaso unkamay doodihii gariiga (Greece) iyo sooyaalkii kaniisadda iyo falsafaddii siyaasiga aheyd ee enlightenment.

Dhanka Soomaalida, isbedelada ugu waaweyn ee ku dhacay 500 ee sano ee ugu dambeeyay ayaa ahaa:

Faafidii diinta islaamka

Curasahdii imaaraatki islaamiga ahaa ee dagaalada la galay boqortooyadii xabashida

Dhisidii qarankii Soomaaliya

Afartaasi dhacdo oo lagu tilmaami karo dhacdooyinkii ugu weynaa ee qaabeeyay taariikhda soomaalida si guud ahaan, fahanka diinaamiikiyadda taariikhda isbedeladaasi waxaa laga maarmaan ah in la fahmo afartaas qodob sida ay iskula falgaleen, sidoo kale qaabka ay ula falgaleen qabiilka.

Islaamka iyo nidaamkii bulsho ee ka dhashay waxay hore udhaqaajisay taariikhda soomaalida, gaar ahaan taariikhda magaaloga soomaalida. Iyadoo asalka magaalooyinka ama dhaqanka magaalooga loo celin karo islaamka, inkastoo boqortooyo iyo dhaqamo hore ay jireen balse aan wax badan laga hayn, laakin waxa xaqiiqa ah in magaalooyinka haatan la yaqaano ay kobceen xiligii diinta islaamka soomaalida soo gaartay.

Soomaalida waxay si muuqata ula falgaleen diinta islaamka, waxaa ay dhisteen maamulo xoog badan iyo ilbaxnimo qotodheer leh. Reerihii Soomaalida waxa ay la falgaleen maamuladaasi, waxaana muuqatay in ay jirtay bulsho is ogol oo hormar dhaqaalo sameeyay. Ilbaxnimadaasi waxaa dhaawacay loolankii dheera ee ay kula jireen boqortooyadii xabashida, sidoo kale loolankii u dhaxeeyay reerihii soomaalida, oo haddii aad u fiirsatid aad dareemeysid in magaalooga ay lid ku ahaayeen dadyow aan la falgalin ilbaxnimadii magaalada, kuwaaso ugu dambeyn burburiyay ilbaxnimadii magaalada, dumiyayna maamulo aad u xoog badnaa.

Taasi waxaa sii dheer, gumeystihii reer yurub ee kala ahaa ingriis iyo talyaani oo door weyn ka qaatay dib udhisidda bulshada soomaalida, kuwaaso awooday in ay xoojiyaan kala qeybsanaanta bulshada soomaalida, iyagoo heshiisyo qarsoodi ah la kala gali jiray reeraha soomaalida, isla markaasna isku adeegsan jiray. Halkaaso ay ka dhalatay dhaqanka is riixriix casriyeysan oo siysaasi ah kaasoo reeraha soomaalida ku qasbay in ay kala shakiyaan.

Dareenka kala shakinta, waxuu dhaliyay kalsooni daro kaaso lumiyay dareenkii midnimada, isla markaasna waxaa la hubbiyay bulshada dhaqan cusub oo ka dhashay diinaamikyad taariikheed oo asaas ahaan ka duwan midkii sameeyay taariikhda Soomaalida.

Halkaas waxaa ku muuqanaya in asaaska falsafiga ah ee dawladda casriga ah uu yahay mid xambaarsan diinaamikiyad taariikheed oo salka ku hayso arrimo aan horey ugaso hadalnay.

Sidaa darteed mushkiladda dawladnimo waa mid salka ku haysa isdiidmada u dhaxeeeysa labada dhaqan, isku daygii dib u handaseyntii bulshada oo looga gol laha is waafajinta labada dhaqan ayaa isna dhaliyay xasarad, taasoo keentay burbur ku yimaada bulshadii iyo dawladii’ba.

Siyaasadda Soomaaliya waa mid u baahan aragti iyo fikir siyaasi ah oo ka jawaabaya baahiyaha jira, kuwaaso kala ah qaab siyaasadeed ku haboon soomaalida, dhaqan dhaqaale, iyo mid bulsho. Si looga baxo faqriga aragti ee ku habsaday madaxada soomaalida.

W/Q:Cumar Cali Baasha

 

Category