Lacagta Imaaraadka masii hurin kartaa khilaafka Farmaajo iyo Rooble?

 Muqdisho (RH)-War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aan qasnadda Bangiga dhexe laga bixin lacag ay laheyd dowladda Imaaraadka Carabta oo sanadkii 2018 lagu qabtay garoonka diyaardaaha ee Muqdisho.

“Maadama ay lacagtaas dalka kusoo gashay hab aan waafaqsaneyn hannaanka maaliyadeed ee dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee isu gudbinta lacagaha taas oo taabaneysa amniga qaranka iyo xasiloonida”

Madaxweynaha wuxuu faray guddoomiye Bangiga Dhexe in lacagtaas aan laga bixin qasnadda bangiga.

Dowladda waxay sheegtay in lacagtan ay gaareyso 9.6 milyan oo doolar.

Arrintani ayaa imaaneysaa xilli Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uu raallin ka bixiyay qabashada lacagtaas isla markaana ay Imaaraadka u hayaan lacagtooda.

Wuxuu intaa ku daray “in diyaar ay u yihiin in Imaaraadka xilli kasta ay qaadan karaan lacagtooda”

Bishii April ee sanadkii 2018 ayay aheyd markii ciidanka saldhiga booliska garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ay gacanta ku dhigeen lacago ay sheegeen in si sharci darro ah lagu soo galiyay dalka.

Xiggasho: BBC

Category