Itoobiya oo ka hashay sida uga go’antahay inay hesho bad ay isticmaasho

 Addis Ababa-(RH) Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa sheegay in Itoobiya ay sii xoojineyso dadaalladeeda diblomaasiyadeed si ay u hesho hab laysku haleyn karo oo ammaan ah ay ku gaari karto badda. Afhayeenka, Nebiyu Tedla, waxa uu hadalkan ka sheegay maanta kulanka toddobaadlaha warbaahinta ee wasaaradda.
Mowqifka Itoobiya waa in ay heshaa bad sida uu marar badan ku celceliyay raysalwasaarahooda. Soomaaliyana waxay sheegtay in xadgudub lagu hayo madaxbanaanideeda, kadib heshiiska muranka badan dhaliyay ee Itoobiya ay la gaashay Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys, ayaa sheegay in aysan Soomaaliya marna ka tanaasuli doonin mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista madaxbannaanida iyo Qarannimada Soomaaliya.

Dhan kale, afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay qabanqaabada howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Itoobiya ay si dhow ula socoto xaaladda dalka dariska la ah. waxaan geynay ayuu yiri ciidamo waxaana qeyb ka nahay amaanka iyo xasiloonida gobolka.

“Dalalka ciidamadooda ay ku jiraan ATMIS qeyb muhiim ah ayey kaga jiraan arrinta, aragtidooda iyo walaacdooda waa in la tixigeliyaa si loo fududeeyo in si habsami ah loogu wareejiyo howlgalka ku xigi doono ATMIS” ayuu yiri afhayeenka oo intaas ku daray Itoobiya waxa ay aaminsan tahay in hay’adaha ay quseyso sida Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay xaqiijin doonaan la-tashiyada lagama maarmaanka ee lala yeelanayo dalalka ciidamadooda ay ku jiraan howgalka ATMIS si looga fogaado isfaham la’aan aan loo baahneyn oo keenta xiisado goboleed lama filaan ah.

Waxaa jira dalal ay ku jiraan Jabuuti iyo Masar oo codsaday in ay ciidamo u diraan Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamada nabad ilaalinta. Midwoga Afrika waa uu soo dhaweeyay codsiga Masar ay ciidmo ugu soo direyso Soomaaliya. Midowga Afrika waxay sheegeen in howgalka ATMIS lagu badli doono ciidamo cusub oo wata magaca Howgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Isha BBC

Category