Itoobiya: Lalibela oo gacanta ugashay cidamada Tigreyga

Fallaagada ka dagaalanta gobolka Tigray ee waqooyiga waddanka Itoobiya ayaa waxa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Lalibela, halkaas oo ah magaalo ay Unecso u aqoonsan tahay inay ku yaallaan goobo taariikhi ah oo caalami ah, kuna taal gobolka midkaas dariska la ah ee Amxaarada.

Lalibela, ayaa waxaa ku yaal kaniisado qarnigii 13-aad laga dhisay buuro la qoray, halkaas oo ah meel barakaysan oo ay leeyihiin malaayiin kirishtaan ah.

Dadka magaaladaas ku nool ayaa ka qaxayay ruqaansiga fallaagada, waxaa sidaasi BBCda u sheegay saraakiil maxalli ah.

Kumannaan qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay Nofeembartii la soo dhaafay.

Dagaalka ayaa haatan ku fidaya gobollada Amxaarada iyo Canfarta oo xad la leh gobolka Tigray.

Malaayiin qof ayaa sidoo kale guryahoodii ka barakacay.

Ciidammada fallaagada Tigray iyo milateriga Itoobiya iyo xulafadiisa ayaa waxaa lagu eedeeyay inay galeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaalba.

TPLF ayaa maamuli jirtay gobolka Tigray illaa ay Nofeembartii la soo dhaafay awooddii ay ka tuureen ciidammada federaalka.

Waxa ay dowladda Itoobiya ku astaysay inay yihiin urur argagixiso.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, fallaagada ayaa sheegtay in ay yihiin dowladda sharciga ah ee gobolka Tigray.

Bilowgii todobaadkanna janaraal ka tirsan fallaagada ayaa waxa uu BBCda u sheegay in ujeedka ururka ay tahay in ciidammada dowladda federaalka lagu qasbo inay xayiraadda ka qaadaan gobolka oo ay ogolaato in xal siyaasadeed lagu dhammeeyo dhibaatada.

Dowladda ayaa gaashaanka u daruurtay inay jirto wax xayiraad ah, dhanka kalana waxa ay meesha ka saartay wax wadahadal ah.

Sikastaba xaalku ha ahaadee gulufka TPLF ay ku waddo Amxaarada iyo Canfarta ayaa waxaa dhaleeceeyay caalamka, iyadoo Qaramada Midoobay iyo Mareykankaba ay todobaadkan ku baaqeen in dhammaan dhinacyada ay joojiyaan dagaalka.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in in ka badan 300,000 oo qof ay ku barakaceen gobollada Amxaarada iyo Canfarta.

Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda sheegtay in 175 gaari oo ah nooca xamuulka qaada oo wada gargaar bini'aadamnimo ay gaareen gobolka Tigray.

Hasayeeshee Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ayaa ka digay in in ka badan 100 gaari oo nooca xamuulka qaada ah loo baahan yahay maalintiiba in la gaarsiiyo malaayiinta qof ee u baahan.

Howlwadeennada gargaarka ayaa waxa ay la daalaa dhacayeen inay galaangal u yeeshaan gobolka Tigray sababo la xiriira ammaan xumo iyo caqabado maamul.

 

xigasho . BBC

 

 

Category