Goobaha waxbarashada Soomaaliya oo toddobaadka dambe dib loo furayo

Muqdisho; (RH)— Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in goobaha waxbarashada dib loo furi doono maalinta Sabtida ee toddobaadka dambe, maadama ay xirnaayeen dhowr bilood sababo la xiriira safmarka COVID 19.

Wasiiru dowlaha waxbarashada Soomaaliya,Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdullaahi oo loo yaqaano Jaabiri ayaa saxaafadda u sheegay in dowladda ay go'aamisay in dib loo furo goobaha waxbarashada dalka sida iskuulada, jaamacadaha iyo macaahidda, waxa uu sheegay maadama kiisaska xanuunka ay sii yaranayaan in ay la go'aamiyay in dib loo soo celiyo adeegysada waxbarashada.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay hirgalin doonto hannaan cusub oo lagu ilaalinayo badqabka caafimaadka ardayda iyo macallimiinta dalka si looga fogaado khatarta xanuunka.

"Annagoo markasta raaceyna habraacyada wasaaradda caafimaadka ee ku aadan bad qabka ardayda iyo macallimiinta waxaa go'aansanay in iskuulada dib loo furo"ayuu yiri wasiiru dowlaha.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in dib loo furayo iskuulada dalka kuwaasoo horrey loo xiray xanuunka safmarka ah ee Corona Fayris.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category