Golaha Ammaanka oo farriin u diray madaxda Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey wuxuu madaxda Soomaaliya ka codsaday inay xal ka gaaraan khilaafka ka taagan doorashada.

Golaha wuxuu sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah si ambaqaado heshiiskii 17-kii bishii September ay wada gaareen madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada.

“Golaha wuxuu ugu baaqayaa madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada inay qabtaan doorasho xor ah, caddaalad ah oo la wada dhanyahay si loo raaco heshiiskii September 2020 iyadoo aan laga dib dhaceyn si heshiis siyaasadeed oo kama dambeys ah loo gaaro” ayaa lagu yiri hadal kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Waxayna muddo kordhin u sameeyeen howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ilaa dabayaaqada sanadkan.

Golaha wuxuu sidoo kale sheegay in hadafka uu yahay in arrimaha amniga lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya marka la gaaro dabayaaqada sanadka 2023-da.

 

xigasho BBC

Category