Farmaajo oo markale ku baaqay shir ka dhacaya Garowe

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale madaxda maamul goballeedyada ugu baaqay shir looga hadlayo khilaafka ka jira qabsoomida doorashada dalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in shirkaas ay ka soo qeybgali doonaan dhammaan madaxda dowlad goballeedyada si loo xalliyo tabashooyinka ka jira doorashada.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dedaalo lagu doonayo in xal looga gaaro ismarin waaga ka taagan doorashada Soomaaliya iyadoo uu dhammaaday muddo xileedka afarta sanno ee madaxweyne Farmaajo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category