Faah-Faahin: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (RH)-Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay saddex kalena waa ay dhaawacmeen, kadib markii uu qarax qabsaday gaari ay la socdeen shaqaale ka tirsan kuwa wacyigalinta xanuunka COVID19 ee dowladda Hoose ee Xamar.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeen xarrunta degmada Kaaraan.

Gaariga qaraxa uu qabsaday ayaa waxaa ku xirnaa codbaahiyaal dadka looga wacyigalinayo xanuunka CO

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in hal qof uu ku dhintay qaraxaas saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay in gaariga la qarxiyay uu ku jiray howllo ku aadan wacyigalinta COVID 19 maadama gobalka uu maalmahan ka waday wacyigalin.

Ma jirin illaa hadda cid sheegatay qaraxa gaariga, balse waxaa Muqdisho ku soo kordhaya qaraxyada noocan oo kale ee lala eegto ciidamada dowladda, shaqaalaha dowladda iyo shacabka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category