Faah-Faahin: Gobolka Banaadir oo yeeshay taliye cusub

Muqdisho (RH)-Taliyaha guud ee booliska Soomaaliya ayaa Korneel Mahad Cumar Muumin u magacaabay taliyaha cusub ee booliska ee gobolka Banaadir kadib markii dhawaan uu qarax ku dhintay taliyihii booliska ee gobolkaas, Janaraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole).

Mahad Cumar waa “Sarkaal firfircoon iyo qabiir dhanka amaanka ah oo in muddo ah kasoo shaqeynayay Amniga” sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Qoraalka taliska booliska Soomaaliya

Taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole, ayaa bishii hore ku dhintay howlgal ka socday deegaanada dhaca xuduuda saddexda gobol ee gobolka Banaadir, Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

Taliyaha cusub ee Booliska Gobolka Banaadir Mahdi ayaa horay u ahaa Taliyaha Nabadsugida Galmudug.

Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia

Category