Dowladda federaalka Soomaaliya oo ganaaxaysa dadka aan u hoggaansamin Tallaabooyinka COVID 19

Muqdisho (RH)-Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ku dhawaaqday amarro ay ku xakameeneyso xanuunka COVID 19 oo xilligan fara ba'an ku haya dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho, Cumar Filish oo maanta isaga iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda ay shir jaraa'id ku qabteen Muqdisho ayey ku sheegeen in xirashada afka saabka uu yahay muqadas laga billaabo 15-ka bishan ciddii laga waayana laganaaxi doono, iyo in la mamnuucay guud ahaan isku imaatinada goobaha dadweynaha.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in amaradii dowladda ay soo saartay dhawaan in badi la iska dhaga tiray

"Weli waxaa jira iskuuladii hala xiro la yiri in qaar ay weli furan yihiin, waxaa jira dadkii la yiri marka aad wadada maraysaan ama gaadidka dadweynaha aad saaran tihiin ha idiin xirnaado afka ha idiin xirnaado oo aan u xirneen iyo dad badan oo ku tukunaya masaajida iyagoo sidoo masaajida ku weysanaya" ayuu yiri duqa Muqdisho.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur oo iyana ka hadashay shirka jaraa'id ee saxaafadda loo qabtay in kiisaska cudurka ee dalka ay sii kordhayaan maalinba maalinta ka dambeeysa iyo tirada dhimashada ay gaartay 302 qof, laakin waxa ay hoosta ka xariiqday in tirada aan la diiwangalin ay ka badan yihiin kuwa la diiwangaliyay.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo ka hadashay shirka jaraa'id

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in illaa hadda aan la xaqiijin nooca feyris ee bulshada ku sii baahaya, balse uu yahay nooc cusub oo ah kii horre ee Soomaaliya ku dhuftay marka loo eego saadaasha ay bixinayaan xeeldheerayaasha caafimaadka iyo dhakhaatiirta.

Cudurka COVID 19 ayaa hadda ku sii kordhaya dalka, welina ma muuqato taxadar iyo foyijigaan ay muujinayaan bulshada gaar ahaan caasimadda kuwa ku nool, waxaa kaloo isbitaalda Muqdisho ee lagu daweeyo xanuunka laga soo sheegaya warar aan fiicneen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category