DENMARK: ISHA KUHAY SANDUUQA BOOSTADA

Kolding: Maadama oo ay doorshadii baarlamanka iyo madaxtooyadu kaabiga inagu soo hayso waxaa muhiima in aan kaarka codbixinta imaanshihiisa isha kuhayso

Dhanka kale shariikada boostada Denmark  PostNord baaskiiladeeda iyo baabuurtooduba waxa ay diyaar u yihiin qeybinta 4.4 milyan ee kaararka codeynta si ay guryaha idiinku keenaan.

 maanta oo  Isniinta - qaybintu  waxay ubilaabmaysaa malaayiin muwaadiniin ah oo xaqa u leh inay codeeyaan  1 November.

Warkani  waxa ay PostNord ku sheegtay war-saxaafadeed ay maanta  soo saartey waxaaney ku yidhaahdeen .

“Muddo dheer ayaanu isu diyaarinaynay hawshan weyn ee gaarka ah, taasoo ah qaybinta kaararka doorashada ee faraha badan.

Waxaanu ku rajaynaynay oo aanu aad ugu hanwaynay inaanu fulino hawshaas naloo xilsaarey, ayuu yidhi Thomas Lauritsen, maamulaha hawlgalada ee waaxda waraaqaha ee PostNord ee Danmark.

Si loo hubiyo in dhammaan kaadhadhka codeynta ay ku yimaadaan waqti fiican, shaqaale dheeraad ah, baaskiilo iyo baabuur ayaa la diyaariyey.

Kaadhadhka doorashada waxaa loogu ridaa dadka haysta jinsiyada Denmark sanduuqooda boostada , sidaas awgeed waa muhiim in la hubiyo in magaca sanduuqa ku qorani  sax yahay. Haddii magaca sanduuqa boostada iyo kaadhka doorashadu iswaafaqin , PostNord waxa ay xaq u leedahay in aaney kuridin kaadhka.

Kaadhadhka doorashada ee ugu horreeya waxay ku soo dhacayaan sanduuqyada boostada dalka laga bilaabo maanta oo Isniin ah, halka kaadhadhka doorashada u dambeeyana la filayo in la dhiibo maalinta Khamiista ee 27ka Oktoobar.

Haddii aad isu diiwaangallisay  guuritaan, waxa kaadhkaga codeynta doorashada lagu geynayaa ciwaanka cusub.

Halkan, sidoo kale ay muhiimtahay  inaad magacaaga geliso sanduuqa boostada ee aad degtay.

Marka laga soo tago kaadhka codeynta doorashada, dhammaan codbixiyaasha markii ugu horeysay codeynayaa  waxay helayaan nuqul ka mid ah dastuurka dalka.

 

waxaa tajumay 

Mohamed-Amiin  Siyaad Abdi

Category