Dab Xoogan Oo Qabsaday Warshad Ku Taala Magaalada Hargeysa Iyo Ciidanka Dabdamiska Oo Gurmed ka galay

Hargeysa(RH)waxaa Habeenimadii xalay ahaa dab xooggani ka kacay warshada furshaanta oo ku taala xaafadda Maxamed Mooge.ee magaalada Hargeysa 

Dabka ayaana ahaa mid wayn waxaana burbur soo gaadhay qaybo kamid ah warshadda.Ciidamada debdemiska magaalada Hargeysa oo gurmad dhokhso ah sameeyey markii uu dabkani ka kacay warshada waxay muddo kadib ku guuleysteen daminta dabkaasi.

 

 

Taliyaha ciidamada Dab demiska Axmed Sawaaaxili ayaa sheegay in ay gurmad ballaadhan dabkani ka fuliyeen. Maamulka warshada oo iyaguna isla goobta ka hadlay waxay sheegeen in markii saddexaad ee ay gubato warshadani tahay isla markaasina khasaaraha hadda ka dhashay dabkani aanu ahayn mid geystay khasaare xooggan ama mid la mid ah kuwii ay geysteen dababkii hore uga kacay warshada.Sababta dabkani ayaa la sheegay in ay keentay kimikooyin dhex yaalay warshada

 

Category