Afrika: Dabinka deynta shiinaha

Shiinaha ayaa wajahay cambaareyn ku aaddan dhaqamada deyn siinta dalalka saboolka ah, isagoo lagu eedeeyay inuu sababo in dalalkaasi ay la daalaa dhacaan gudidda deymahaas taasina ay u nugleyso cadaadis uga yimaada xukuumadda Beijing.

Balse Shiinaha ayaa beeniyay arrintaas, isagoo dalalka Galbeedka ku eedeeyay inay buunbuninayaan arrintan si ay u dhaawacaan sumcaddiisa.

Wuuxu yiri: "Ma jiro hal dal oo ku dhacay waxa loogu yeero 'dabinka deynta' oo ka dhashay lacagaha laga deynsado Shiinaha."

Maxaanu ka ognahay hannaanka deyminta ee Shiinaha?

Shiinaha wuxuu ka mid yahay dalalka adduunka ee deymaha ugu badan bixiya.

Deynta uu siiyo dalalka saboolka ah iyo kuwa dabaqadda dhexe ayaa saddex jibbaarantay tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo gaartay $170bn (£125bn) dhamaadkii sanadkii 2020.

Si kastaba, waxaa la filayaa in deymaha uu Shiinaha bixiyo ay intaasi ka sii bataan.

Baaritaan uu sameeyay AidData, oo ah guddi horumarinta caalamiga ah oo ka dhisan Jaamacadda William & Mary ee Mareykanka, ayaa ogaaday in kala bar deymaha uu Shiinuhu siiyo dalalka soo koraya aanan lagu xusin xogta deymaha ee dalkaas.

Aalaaba waa laga saaraa xogta lacagaha dowladda, waxaana loo diraa shirkadaha ay dowladuhu leeyihiin iyo bankiyada iyo hay'adaha gaarka loo leeyahay, beddelkii ay noqon lahayd labo dowladood oo wax is dhaafsanaya.

Waxaa haatan jira in ka badan 40 dal oo isugu jira kuwo sabool ah iyo kuwo dabaqadda dhexe ah, sida laga soo xigtay AidData, kuwaas oo deynta ay ka qaateen Shiinaha ay 10% ka badan tahay dakhliga sanadlaha ah ee usoo xarooda.

Dalalka Djibouti, Laos, Zambia iyo Kyrgyzstan ayaa waxay Shiinaha ka qaateen deyn 20% ka badan dakhligooda sanadlaha ah.

In badan oo deyntaasi ka mid ah waxay la xiriirtaa mashaariic dhismo oo ballaaran sida waddooyin, waddo tareen iyo dekado, iyo sidoo kale waaxaha macdan qodista iyo tamarka.

Waa maxay 'dabinnada deymaha' maxaase caddeymo ah oo loo hayaa?

Wareysi uu siiyay BBC-da, ayaa Richard Moore, oo ah madaxa hay'adda sirdoonka dibadda ee Britain ee MI6, ayaa wuxuu ku sheegay in Shiinaha uu adeegsado waxa uu ugu yeeray "dabinnada deynta" si ay uga sare maraan dalalka kale.

Waxaa la leeyahay Shiinaha ayaa lacag dyemiya dalalka kale, kuwaas oo haddii ay ku guul darreystaan bixinta deymahaas lala wareego hantidooda - eedeymahaas oo ay muddo dheer beenineysay Beijing.

Waxa ay dadka cambareeya Shiinaha tusaalaha u soo qaataan ayaa waxaa ka mid ah Sri Lanka, oo sanad kahor helay mashruuc dhismaha dekad ah oo ballaaran oo laga dhisay Hambantota.

Balse mashruucna oo ah ku kacday hal bilyan oo doollar oo deyn laga soo qaaday Shiinaa ah ayaa dhaliyay muran, waxayna Sri Lanka taasi u horseedday inay la daalaa dhacdo bixinta deyntaas.

Ugu dambeyn sanadkii 2017, Sri Lanka ayaa oggolaatay inay shirkadaha ay maamusho dowladda Shiinaha siiso inay maamulaan 70% dekadda muddo 99 sano ah si ay ugu bixiso deyntaas.

Is barbadhigga deyn bixinta Shiinaha iyo dalalka kale?

Shiinuhu ma diwaan geliyo deymaha uu siiyo dalalka dibadda, inta badan qandaraasyadiisana waxaa ku jira qodobbo ka hor istaagaya dalalka inay xogtooda ku faahfaahiyaan.

Wuxuu ku doodaa in dhowridda kalsoonidu ay tahay dhaqan guud oo loo adeegsado qandaraasyada deymaha ee caalamiga ah.

"Heshiisyada kalsoonida ku saleysan waa wax guud oo deymaha ganacsi ee caalamiga ah", ayuu yiri Professor Lee Jones oo ka tirsan Jaamacadda Queen Mary ee London.

"In badan oo ka mid ah maalgelinta horumarinta ee Shiinaha waa mid ku saleysan howlgal ganacsi."

Inta badan dalalka aan warshadaha lahayn ayaa xogtooda deymaha ku wadaaga Naadiga Paris oo ay xubno ka yihiin.

Shiinaha ayaa go'aansaday inuusan ku biirin kooxdan, balse iyadoo la eegayo xogta Bankiga Dhexe, waxaa cad in koboca deyminta Shiinaha ay aad u koreyso marka dalalka kale loo barbardhigo.

Ma adagtahay in la gudo deymaha Shiinaha?

Shiinaha ayaa bixiya deymo leh dul saaran aad u sarreeya marka loo barbardhigo dowladaha galbeedka.

Deymahaas ayaa qiyaastii 4%, la mid ah kuwa ay bixiyaan suuqyada ganacsiga sidoo kalena waxay afar jibbaar ka badan yihiin kuwa Bankiga Dhexe ama dalalka sida Faransiiska iyo Jarmalka.

Muddada loo baahan yahay in lagu bixiyo deymaha Shiinaha ayaa sidoo kale ah mid gaaban - waa in ka yar 10 sano, marka loo barbardhigo qiyaastii muddo 28 sano ah oo inta badan dalalka saboolka ah la siiyo si ay deymaha isaga bixiyaan.

Qiimaha dul saarka ee deymaha Shiinaha ayaa aad uga badan dalalka kale

Shirkadaha ay dowladda leedahay ee deymaha bixiya ayaa sidoo kale dalalka dyemaha la siinayo ka doonaya in akoonnada dibadda ay ku reebaan lacag uu deyn bixiyuhu maamuli karo.

"Haddii dal uu ku guul darreysto inuu deymaha bixiyo," ayuu yiri Brad Parks, oo ah Agaasimaha AidData, "Shiinuhu si fudud ayuu lacagtiisa uga jaran karaa akoonkan."

Hannaankan ayaan inta badan lagu arkin deymaha ay bixiyaan dalalka galbeedka.

Waxaa haatan jira soo jeedin ka timid dalalka G20 - oo ay dalalka dhaqaalahoodu sarreeyo - deymaha uga cafinayaan dalalka saboolka ah si looga caawiyo inay la tacaalaan xanuunka safmarka ah.

Shiinaha ayaa ku biiray soo jeedintan wuxuuna sheegay inuu ka qeyb qaatay "cadadkii ugu sarreeyay ee deyn gudidda" dal walba oo qorshaha qeyb ka ah.

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in tan iyo May 2020, ay guud ahaan in ka badan $10.3bn ay deyn cafin ahaan u keeneen dalalka G20.

Balse markii Bankiga Adduunka laga codsaday inuu sheego magacyada dalkaas, wuxuu xusay inuusan soo wadaagi karin xogta.

 

Xigasho BBC

Category