Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Jig-jiga(RH)Ciidamada Amaanka  Magaalada Jig-jiga ee DDS ayaa howlgalo ay  ka sameeyeen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Jigjiga waxay Xabsiga u Taxaabeen  480 dhalinyaro ah kuwaasi oo lagu Tuhunsanyahay inay  wadeen Falal amni daro.

d

 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo hoggaaminayo, ayaa maanta kusoo laabtay caasimadda dalka ee Hargeysa, kaddib markii ay soo dhammaysteen safar shaqo oo muddo Toddoba maalmood ah qaatay, kaas oo ay ku soo mareen qaar ka mid ah gobollada Somaliland.

Berbera(RH)Guddida dhaqaalaha ee golaha wasiirada Somaliland ayaa kormeer ay maanta ku gaadheen magaalada Berbera waxa ay kormeer ku soo mareen goobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Wadada isku xidha Berbera iyo Hargaysa ( Berbera Corridor ) ee ay maalgalinayso dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta iyo   dhismaha madaarka magaalada Berbera iyo qaybaha cusub ee lagu kardhinaayo dekedda magaalada Berbera, waxaana markii ay waftigu gaadheen Degmada Laasgeel ee Magaaladda Dacar-budhuq oo uu ku yaal kaamka weyn ee shirkada dhisaysa Wadadaasi CONSER Consulting Engi

LONDON(RH)Golaha Deegaanka Birmingham ayaa shaaciyey  inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-murtiyeed  ka soo baxay Xafiiska Somaliland ee UK oo u qornaa sidan:-Golaha Deegaanka ee Magaalada Birmingham ayaa munaasibad ay maanta  qabteen waxay ku dhawaaqeen inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal  madax-bannaan.

Hargeysa(RH)Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu si adag u canmaaraynayaa talaabadda Xukuumadda Somaliland  ku xidhay labada Telefishan ee kala ah Horyaal TV iyo Eryal, kuwaas oo ay ciidamadda Booliisku saaka la wareegeen, kuna Amreen inaanay shaqayn karin.

 

 

Hargeysa(RH):-Abwaan Yuusuf Cabdile Cismaan Shaacir oo ka mid ah Abwaanada waaweyn ee Reer Somaliland ayaa xarunta dhaqanka ee magaalada Hargeysa ku eedeeyey inay ku kacday fal ka soo horjeeda diinta suuban ee islaamka iyo dhaqanka bulshada somaliland.