Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-179/082018, uu maanta ku magacaabay masuuliyiin cusub.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Hargeysa(RH)Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Habeenimadii xalay Abaaro 11:00 PM gurmad dab loogu yeedhay Dab ka dhacay Xaafada Shacabka, dabkaas oo noociisu ahaa shoolad Qaraxday.

 

Shooladan ayaa waxyeelo badan soo gaadhsiisay Gabadh halka saddex kale oo ka mida dadkii gurigaas ku noolaa iyadana ay waxyeelo soo gaadhsiisay , kuwaasi oo isku dayay inay badbaadiyaan gabadhaas.

 

Hargeysa(RH)Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa ayaa 5 sano oo Xadhig ah ku xukuntay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) kaasi oo lagu eedeeyay kicin dadweyne.

Sheekha ayaa lala xukumay 17 kale oo dhalinyaro ah, waxaana dhalinyarada sheekha la xidhnaa xabsiyadoodu u dhaxeeyaan 9-sano illaa 1-sano.Sheekh Aadan Sunne ayaa waxaa xabsiga u taxaabtay Xukuumadii Madaxweyne Silaanyo bishii September ee sannadkii 2017.

Hargeysa(RH):-Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland UCID iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa safaro kala duwan ku jooga dalalka Kenya iyo Itoobiya.

 

Cirro iyo Faysal oo ay socdaaladoodu yihiin kuwo kala duwan, ayaa waxa ay safaro lagu sheegay kuwo shaqo ku joogaan Nayrobi iyo Addis Ababa.

 

Berbera(RH):-Badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan (Timo-cade), ayaa sharraxaad ka bixiyay qaxoonti tiradooda lagu qiyaasay 16 qof, oo soo gaadhay magaalada Berbera, Isniintii todobaadkan, kuwaasi oo ka soo cararay collaadaha ka taagan dalka Yaman.

 

Badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan (Timo-cade)  ayaa sheegay in qoxoontigaas oo badankoodu dhalasho ahaan ka soo jeedeen dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya ay u gudbeen meelihii ay u socdeen.

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 18-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta  waxa dirada lagu saaray wax-soo-saarka beeraha, si dalka Jamhuuriyadda Somaliland isku filaansho uga gaadho dhinaca wax-soo saarka dalagyada kala duwan ee beeraha.

 

Jig-jiga(RH)Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jig-jiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Somalida  itoobiya ayaa sheegaya in uu Goordhaweyd is casilay madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar

fadhi Deg-deg ah oo ay yeesheen Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxay si ku meelgaadh ah Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida itoobiya Ugu Magacaaabeen Axmed Cabdi Maxamed(ilka Case) oo ahaa Wasiirkii  Maaliyadda, DDSI